MW/ Ku Xigeenka Puntland Axmed Karaash oo la kulmay gudiga gurmadka G/Sool

Reading Time: < 1 minute
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed E. Osman Karaash ayaa maanta la kulmay taakuleynta iyo gurmadka Gobolka Sool.
Sida uu sheegay Karaash, Si loo dar-dargeliyo hawlaha gurmadka ee Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood iyo kuwa ku waxyeeloobay waxa uu maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga u xilsaaran gurmadka.
Guddiga waxa uu ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqooyinka u qabsoomay, kuwa socda iyo qorshashaayasha degsan, waxa uuna  faray inay sii laba jibaaran hawlaha gurmadka.
Magalaada Laascaanood ayaa waxa hada ku sugan ciidanka uu soo Axmed Karaasha kuwaas  oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.