MW Ku/Xigeenka Hirshabeele iyo qaar ka mida Wasiiradiisa oo ka baxay Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweyne ku Xigeenka Dowlada Goboleedka Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo qaar ka mida Wasiiradiisa ay isaga baxeen Magaalada Jowhar saacado ka dib markii Ciidankii difaacayay magaalada ay ka soo baxeen degaankaas.

Wali lama oga halka ay u  baxsadeen, Cali Guudlaawe wali ma xaqiijin in warka la isla dhexmaraayo uu run yahay, Mar aan isku daynay in aay kula xiriirno qadka taleefanka waa ay inoo suuragali weyday in aan la hadalno.