MW K/Xigeenka Kenya oo isaga oo qayilaya balan qaaday soo celinta iibinta Qaadka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo maalmihii la soo dhaafay ololahiisa doorasho ka waday gobolka jaadka uu ka baxo ee Meru ayaa waxaa uu sheegay in hadii loo doorto xilka Madaweynaha uu kordhin doono wax soo saarka Qaadka sidoo kalena uu wadahadal la gali doono Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu balan qaaday in dib loo bilaabi doono iibinta ee dalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa dalka Soomaaliya. Hadalka Ruto ayaa kusoo aaday xilli in muddo ah ay taagneyd arrinta qaadka, oo Soomaaliya ay dalkeeda ka joojisay badeecada qaadka ee looga dhoofiyo Kenya.