MW K/G Puntland Axmad Karaash oo booqday degaanka Af-urur (Sawiro)

Deegaanka dhawaan laga xureeyay kooxda Al Shabaab ayaa waxaa booqday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda  Goboleedka Puntland Mudane Axmad Karaash.

Wafdiga ayaa shalay booqday Af-urur, halkaasi oo Labo Maalmood ka hor ay ciidamada Puntland ay dib ula wareegeen ka dib markii muddo kooban ay haysteen Kooxda Alshabaab.

Safarka madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka iyo ciidamada, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka amniga Puntland , Wasiirka xanaanada xoolaha iyo guddoomiyaha gobolka bari.

Weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawaynayay odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka wuxuu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Dhamaadkii bishii hore ee May ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland waxa soo baneeyay ee saldhiyadii ay ku lahaayeen degaanka Af-urur, halkaasi oo qabsadeen kooxda Alshabaab. Ciidamada ayaa dalbanayay in la siiyo musharaad ka maqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here