Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa ka gaabsaday in uu cad u caddeeyay mowqifka ay dowladdiisu ka qabto aqoonsiga Jamhuuriyadda la magac baxaday Somaliland.
Geelle oo la weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadineysay in ka badan soddon sano ayaa sheegay in waddankiisu uusan diyaar u ahayn inuu abuuro xiisad, laakiin marbana ma uusan cadeynin in uusanan aqoonsanaynin Somaliland balse gaab kale uu u sheegay inuu saaxiib la yahay madaxda deegaanka.
“Waxa aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela, marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yiri Madaxweyneha Jabuuti. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xiriir qoto dheer, ayna tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed. Taas macnaheedu ma aha inuusan aqoonsan doonin Somaliland.
“Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xiriirka, sido kale waxaan xirir la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraameyno midnimadeda dhuleed,” ayuu yiri.
Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhaliyay hadal-heyn aad u ballaaran oo qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay faafinayeen wareysiga uu bixiyay.