Waxaa waayahan danbe isasa soo tarayay wararka sheegaya in Madaxweynha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu wado howlaha quseeyo khalalaasaha arimaha Laascaanood.
Madaxweyne Ismaaciil ayaa waxa ay wado shaqayn hoose kala dhaxeeysaa madaxweyne Xasan Shiikh halka ay ehel hoose yihiin madaxweyne Muse Biixi oo adeer u ah gabadha uu qabo Ismaaciil Cumar Geele.
Hadabada doorka MW Ismaaceel ku leeyahay arimaha Laascaanood waxa ka hadashadashay Urur-Goboleedka IGAD kaas ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dedaallo xal raadineed oo uu ka wado Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan mudaharaadyo rabashado wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen.
Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo khudbad dheer ka jeediyey Shir ka dhacay Kenya waxa uu qayb ka mid ah Khudbadiisa kaga hadlay xaaladda Laascaanood, waxa uu sheegay In Urur ahaan ay bogaadinayaan dhexdhexaadinta uu wado Ismaaciil Cumar Geele in xal loogu helo Xiisadda Sool, isla markaana waxa uu xusay in ay ku dhiiri gelinayaan inuu sii wado ka shaqaynta dedaaladaasi nabaddeed.
Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ee ka dhacday Laascaanood.
Warar Dheeraada oo ay heyshay MOL ayaa sheegaya in Ismaaciil Cumar Geele uu martiqaad u fidiyay qaar kamida dhaqanka Beelaha Dhulbahante. Waxa uuna codsaday in ay yimaadaan Jabuuti inta ayan go’aano ka soo saarin shirka Laascaanood uga socda dhaqanka Dhulmahante.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ismaciil Cumar Geele uu arimaha Laascaanood kala hadlay Ganacsato ka soo jeeda beelaha Dhulbahante oo dane dhaqaale ka leh dalka Jabuuti.