MW Ismaacil Cumar Geele oo ka tacsiyeeyay geerida Eng Yariisow

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka  uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle.

MW Waxa uu ku daray

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” . Madaxweyne Geele ayaa  Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.