MW Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho imanayo maalinta Sabtida ah

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah ee Maarso 16, 2019 ay soo gaaraan magaalada Muqdisho sida ay MOL u xaqiijiyay ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

MW Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u imanaya furitaanka safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho taasoo la dhameeyay dhismaheeda mar dhow. Safaaradda ayaa ku taal dhulkii Miranaayada ee uu amarka ka soo saaray Gud Gobolka Banaadir kuna amray masuuliyiinta dowladda ee halkaa degan in aay si dhaqso ah uga guuraan.

Sida aay xog ku heshay MOL, waxaa ujeedka Gud. Yariisow uu ahaa ka jawaabid cabasho aay dirtay dowladda Jabuuti taasoo aay rabaan in dhulka safaaradaa loo ballaariyo si aay u sugaan amniga safaaradda.

Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay MOL u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan eeĀ  Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa.

Madaxweyne Geelle Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar sheegaya in mugdi soo kala dhax-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here