MW hore Farmajo oo aad ugu  Farxay Booqashada MW Xasan ee Erateriya. Sabab?

Reading Time: 3 minutes

Muddo dheer ayuu isku dayayey MW Farmajo inuu u tago ciidankaaas oo sida ka fiirsi la’aan iyo dano gaar ah daartood ugu wareejiyey dalka Erateriya, kuwaas oo uu la’ aa war iyo wacaalkood muudo dheer, kadib markii ay isku maandhaafen Afawerki.

Farmajo waxaa uu rabay inuu ciidanka u wareejiyo Abiy Axmed oo isagana rabay inuu u isticmaalo dagaalka Itoobiya e 2020/21, sida xogaha sheegayaan Afawerki iyo Abiy iskuma fiicna hadda.

Xog ay heshay MOL ayaa sheegeysa in Farmajo laba jeer loo diiday inuu ciidankaas u tago ama uu isku soo sawiro, waxaana ay xogtu leedahay in uu aad u jeclaan lahaa inuu u tago si uu isaga dajiyo culeyska weyn ee uga imanayey eheladi dhallinyaradaas iyo guud ahaan madax iyo shacbi oo ay horsed u ahaayeen Mucaridkii markaas.

Laakiin maanta isagoo qolkiisa fahdiyaa aya waxaa uu indhiiisa ku arkay inay weli nool yihiin oo ay salaan Sharaf siinayaan MW Xasan sheekh, taasina ay isaga u ahayd arrin ka dhaqday qeyb ka mid ah ceebtii iyo weji gabaxii uu la tagay.

Dhinaca kale, MW Xasan sheekh kama uusan farxinin Farmajo oo kaliya  ee waxaa kale oo uu si aad ah uga farxiyey hooyooyin, aabayaal, walaalo, ilmo iyo haween ay raggooda maqnaayeen muddo 3 sano iyo bar ah geeri iyo nololna aan meel lagu sheegin. Hooyo ka mid ah kuwa ay ilamada ka dhamaatay ayaa willkeeda ka dhex aqoonsatay sawirada goobta uu dhoollatuska iyo salaam sharafta ka dhaceysay.

Hooyadaas ayaa waxaa la hubaa inay caawa ka niyadsan tahay, kana filasho wacan tahay seddex (3) sano oo ay hurdo iyo hoyaad uga tegtay halkii wiil oo ay ilmo ka lahayd oo dowladdii Farmaajo ay uga qaadday Eritrea, war iyo wacaalna ay ka weysay.

Akhristayaasheena ayaa qaar waxay is weydiin karaan maxaa ka farxinaya Farmajo? Farmajo waa is og yahay inuu dembi weyn ka galay dadka Iyo dalka Somaliyeed markii uu caruurtaas si aan ka fiirsi lahayn uu ugu diray Erateriya xelli uu socday dagaalkii Itoobiya dhexdeeda ahaa. Maanta waxaa uu ku farxayaa:

  1. Waxaa la soo helay dhallinyaradii uu ka quustay  inuu soo arko boholna ku shubay, isla markaana uu waayey halkii ay ku dambeeyeen marka laga reebo inuu Erateriya ku ogaa oo kaliya.
  2. Sidoo kale Waxay tani Farmajo ka fujineysaa in ugu yaraan la soo helay dhallinyaradii dembi kasta haka galee iyaga, waalidka, ehelka iyo dalkaba oo 5000 ayuu maaliina awoodi waayey inuu dadkooda u sheego Meesha ay jiraan iyo waxa ay ku sugan yihiin.
  3. Dinaca kale, CBB oo uu afkii juuqda gabay waxoodana ay been isugu soo biya shubteen ayaa ku farxay inay dhallinyaradaas weli nool yihiin oo maalmaha soo socda helay qodob ay khaldan u isticmaali doonaan balse bulshada Somaliyeed waa ka kortay oo libaax nin ganay iyo nin galladay kala garan og.

Koodan CBB oo beenta ku caan noqoday ayaa beryahan lahaa MW Xasan waa dhintay oo xataa qaarkood ay lahaayeen waa Bakhtiyey sidii inuu gaal yahay maadaama ay diin yari badani jirto, kooxdan oo u muuqda kuwa aan diin iyo dadnimo toona lahayn.

Waxaa jira su’aal ah maxaa loo wadi waayey taliyaha ciidanka xooga dalka Somaliyeed? Taliyaha ciidanka horay ayuu u sheegay inuusan isga ka warqabin ciidan XDS oo Erateriya tababar ugu maqan, sidaas darted mar ay soo noqaan ayaa loo geyn doonaa oo lagu wareejin doonaa.

Isku duub caqligu ha shaqeeyo dalka la idinkama laha ee waa la idiin kaga roon yahay oo kaliya. Hogaamiyaha dhabta ah waa kan ummaddiisa u naxa kana xanuunsada dhibaatadooda sida Xasan Sheekh, ee maaha kan aan kala jeclayn farxadooda iyo muragadooda sida Farmajo ee inta tima abuurta maanta oo dhan is fiirfiiris ku jira. Farmajo Mahadsanid ku dheh Mudane Xasan Sheekh marada ayuu kuu maraye.