MW Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray Degmada Moqonkori

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay Degmada Aadan yabaal ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada qiimaha ee sida diiran ugu soo dhoweeyay Magaalada waxa uuna bogaadiyay bulshada deegaankaan iyo qeybaha kala duwan.

Madaxweynaha ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle isagoo furay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha .