Shirkii ugu dambeeyey ee IGAD ayaa waxaa lagu dooranayey guddoomiyaha IGAD 4ta sano ee soo socda. Jagadaan waxaa 10kii sano ee ugu dambeeyey haysay dalka Itoobiya , iyada oo jagada Xogahaya guudna uu ay haysatay dalka Kenya.
Doorkaan waxaa aad loo filayey inay guddoonnka uruka IGAD ay Somaliya qabato maadaama ayan waligeed qabanin labada jago ee Gudoonka iyo Xogayaha guud kuwaas aha jagooyinka ugu sareeya ururka tan oo aysan midna qaban intii uu ururkan jira ila 1986. Dalalka Sudan iyo Jibuuti ayaa aad ugu dhiirriyey MW Farmajo inuu labada jago mid ku dhego iyaguna ay u ballanqaaden inay taageeri doonana maadaama aysan weligeed Somaliya qabanin, inkastoo ay ahayd dalkii lahaa Figaradda lagu asaasay urur-goboleedkan 1986.
Jagada waa 4 sano, dalkii qabtaana uu haysto 8 sano oo loo ogolyahay inuu haysan karo. Waxaana jirtay labada sano oo la soo dhaafay oo aan cidna isu soo taagin oo ay Itoobiya iska sii haysatay.
Haddaba fadeexadda ka dhacday waxay ahayd kadib markii uu MW Farmajo jagadan uga tanasulay MW Uhuru oo hadda noqonaya guddomiyaha IGAD 4 sano ee soo socota iyadoo ay u badan tahay inuu sii ahaado dalka Kenya gudoona muddo 8 sano ah. MW Farmajo ayaa sheegay inuu sidaas sameeyey kadib markii uu sidaas ka codsaday saaxibkiisa Cusub oo IGAD looga yaqaannoo inuu yahay milkiilihiisa kadib markii uu dhowr meelood ka yiri ‘Farmajo aniga ii dhaafa”
Dad badan oo Somali ah waxay dhaliilayeen in Aden Barre Ducale uu yimaado Kismayo maadaama uu yiri haddallo qallafsan, hasa yeeshee Aden weligiis waxaa uu dhihi jiray haddallada qallafsan oo waa kii lahaa “MW Farmjo waa nin aan isku qabiil nahay, sidaas darted dowladdisa Nayrobi lagama mucaaradayo”. Waxaasa ka daran oo Naxdin iyo Caloolxumo ah in MW Farmajo oo ahayd inuu ilaaliyo danta qaranka uu Uhuru Kenyaata ku dhundhunkanayey Adis Abeba isagoo uga tanasulay jago ay xaq u lahayd Somaliya oo ah guddoonka IGAD oo aysan weligeed qabanin. Somaliya waa inay jagadaas sugtaa ugu yaraan 4 sano haddii kale waaba 8 iyo ka badan.
Haddaba waxaa laga rabaa dadka Somaliyeed inay yeeshaan aragti ka fog midda ay ku shubayaan dadka kooxaha baraha bulshada Villada u qaabilsan iyo BBCda oo hadda ku biirtay, kadib markii ay madax iyo soosaarayaal ka wada noqdeen ciyaal Somali Kenyaan oo uu adeer fog u wada yahay Aden Barre.
Tusaale waxaa kaaga filan Cabdirizaq Catoosh oo uu Aden Barre adeer u yahay oo kala garan la’ inuu Villada u shaqeeyo inuu BBC laanta Somaliga u shaqeeya oo magaca uu ka helay laantaas ku buunbuuniya socod baradka siyaasadeed ee NN.
Wariyahaan waxaa uu Fasax hal sano ah u qaatay inuu abuuro ciyaalka Villada dadka u caaya ee ka qeyliya baraha Bulshada sida Facebook, twitter, Instagarm iyo Snapchat, kuwaan oo xafiisyada MW iyo Kan RW laga siiyo miisaaniyada ah $150,000 bishii.
Isku soo duub haddii MW uu xaqii dalka ka dhigay mid uu ka tanasulo iyo mid uu ku tunto, haddii RW uu yahay beenaale aan afkiisa iyo dhagahiisa is maqal, Wasiirkii Maaliyadda uu yahay shakhsi ku faana beenta uu maaliyadda dalka ka sheego oo musuqmaasuqa ku naaxay, haddii golihii shacbiga iyo guddoonkoodii inay qaad cunaan wax aan ahayn aysan ku mashquulsaneyn waxaa loo baqaa dowladanimada Somaliya oo burburkeeda uu saaameyn weyn ku yelan doono Isirka Somaliga ah meel uu joogaba marka la eego sida ay u socoto siyaasadda Gobolka ee Geeska Afrika iyo Bariga dhexeba.