MW Farmajo oo u Gefay Reer Baladweyne, kadib Markii uu Keydkii Masiibooyinka (contingency money) Guri Washington kaga gaday.

Reading Time: 2 minutes

Sideedaba nuxurka ugu weyn ee hogaaminta waa habdhaqanka marka ay wax dhacaan sida  uu u dhaqmo mas’uulka markaas wax la bidayo ama loo filayo inuu arrinta wax ka qaban karo. MW Farmajo oo dadka ay is weydiinayeen Meesha uu ku maqnaa muddadii toddobaadka ahayd ee ummadda Beletweyne biyaha fataha ay ku baab’a sanaayeen ayaa markii u hadlayna ku hadlay ceeb iyo lama maqal.

Waxa afkiisa ka soo yeeray waxay ahaayeen wax marna laga naxo, marna lagu qoslo “wasiiradda hal maalin mushaarkooda ha ugu deeqaan reer Balatweyne”. Tani sow kuma xusuusineynso sheekadii ahayd wiilkii muddada aamusnaa ee hooyadii rabbi u bariday inuu ka hadlasiiyo balsa ku hadaaqaay wax ay ka naxdo, kadibna tiri Allow sidiisii iigu celi.

Madaxweyne waxaa laga sugayey hogaamin, taloyin wax ku ool ah, amar deg deg ah iyo gurmad baahsan oo aad amarto intii tabartaada la ekaato, laakiin lagaama sugeyn wasiiradda hal malin mushaarkooda ha ugu deeqaan dadka reer Beletweyne. Madaxweyne aynu badino wasiirada mushaarkooda oo aynu ku darro wixii gacantogaaleysteen bishaan miyey kaafin karaan waxa Baladweyne ka dhacay?

Runtii MW waxaa arinkaan ka keenay ayaa la yiri waxaa uu isticmaalay keydkii miisaaniyadda ku jiray ee lagu talagalay masiibooyinka iyo gurmadka degdeg ah (the contingency Money). Lacagtaas waa lacagta qeyb ka mid lagu gaday guriga  waxa lagu qalabeeyo loo la’yahay  ee Washington laga gaday, iyadoo la bixi la’yahay kaharshyadii hawl socodsiinta safaaradaha muddo dheer, taas oo hadda qarka u saaran inay safaarado badan xermaan.

Intaas oo milyan oo dollar ayaa lagu bixiyey burburinta maamul gonoleedyada, laaluushka xildhibaanada, beenta joogatada ah ee baraha bulshada laga afuufayo iyo safarro tira beel ah oo uu madaxweynaha ku sii socda, kuwaas oo mar waliba oo uu baxo laga naxo waayo waxaa uu soo saxeexaa ama soo bud dhigaa heshiis kaleoo  kuwiisii  hore ka khatersan.

Isku soo duub shacbiga Somaliyeed waxaan ku boorinneynaa inay u gurmadaan walaalahood oo gacan ka geystaa si kasta oo dadkaas loogu kaalmeyn karo waayo madaxweynihii dalka waad aragteen halka uu soo fadhiistay oo ah meel laga naxo ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!