MW Farmajo oo Jibuuti ku Cadaadinaya inay ku soo Biirto Isbahaysiga Itoobiya iyo Erateriya. Yaab!  Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Farmajo ayaa tagay dalka Jabuuti iyadoo uu soo dhoweeyey ra’iisul wasaraaha dalkaas, Cabdulqadir Kamil. Waxaasa wax lala yaabo ah in Madaxtooyada Soomaaliya ay safarka Farmaajo ku sheegtay in uu laba ujeeddo oo gurracan leeyahay:

  1. In Jibuuti uu ku cadaadiyo inay ku soo biirto golahan ay Itoobiya xukunto ee xiriirka Geeska Afrika.
  2. In haddii ay Jibuuti diido inaan loo codeyn inay ku guuleysato kursiga wareegga ee golaha amaanka  ee QM oo yaalla Geeska Afrika xelligaan lana dooran doono 21ka Bishan.

Haddaba waxaa wax laga caloolxumaada ah in Farmajo uu maanta ku cadaadinayo Jibuuti inay midiidin u noqoto Itoobiya iyo Erateriya si loogu taageero inay kurisgaas  Golaha Ammaanka ah ku Fadhiisato.

Dhinaca kale Waxaa yaab leh inuu Madaxweyne Farmaajo uu tixgelin siinin walaalaheen Jibuti markii uu isbaheysiga la sameysanayey Itoobiya  iyo Eritrea, taasoo Soomaali badan  ay ka xumaadeen, kuna dhaleeceen tallaabadaas doqonimada ah ee uu qaaday. Jibuti horey ayey uga biyo diiday isbaheysigan iyadoo ku xirtay shuruud sharci ah oo ahayd inay Eritrea ka baxdo dhulka Jibuuti  iyo inay ka waantowdo sheegashada qeyb dhulkeeda ka mid ah.

Haddaba,  Safarka Madaxweyne Farmaajo wuxuu u Muuqdaa inuu doonaayo in Jibuti ay codka kursiga golaha ammaanka ay ku bedelato shuruuda ah ka mid noqoshada isbaheysiga, haddii kale ay Soomaaliya, Itoobiyaa iyo Eritrea aysan codkooda siin doonin.

Waxaa halkaas ka muuqda in Farmajo uu yahay damiir laawe garan la’a inay jibuuti tahay dalkii ka mas’uulka ahaa dowladnimada uu awooddeeda maanta ugu amar ku taagleynayo walaalaha jibuuti isagoo raadinaaya inaay raalli ka noqdaan Abiy Axxmed iyo Afawerki oo maalmahan ka furtay kadib marii ay u fahmeen inuu yahay beenlow aan ballan lahayn.

Waxaa cad in Xaaladda hadda dalkiisa uu ku jiro uusan fahamsaneyn Farmaajo.  Kursiga golaha ammaanka Somaliya ayaa maanta baahi weyn u qabta inay Jibuuti noogu fadhiisato, waayo haddii Kenya hesho kursigaas waxaa awoodi doontaa inay culeys weyn saarto dacwadda Badda oo xataa haddii naloo xukumo ay fulinteeda dheereyn karto.

Haddaba qofkasta oo damiir leh waxaa u muuqata inuu Farmajo yahay madiidin Itoobiyaan ah oo wax dan ah Somaliya iyo Somalinimada ka lahayn.