MW Farmajo oo Hadda Fahmay Khiyaanada Xasan Cali Kheyre;

Reading Time: 2 minutes

MW Faramajo ayaa markii ay xalay kulmeen Rw Xasan Cali Kheyre u soo bandhigay dhammaan khaaldaadkii uu galay intii  uu RW ahaa. Kheyre oo horay uga mid ahaa kooxdii Xasan Shekh Maxamuud waxaa uu hoosta kala shaqeynayey Farmajo iyo kooxdiisa. Xalay markii la is horfadhiistay waxaa kheyrre loo taantaaneyey wax Allah wixii uu falay oo khaldaad ahaa. MW Farmaajo oo ay caro badan ka muuqata ayaa ku yiri RW Kheyre:

  1. Waxaad Dhiibtay Qalbidhagax oo Barlamaankii waa nooga horyimid iyagoo nagu qaadi karay qaran dumis. Waan kaaga aamusay.
  2. Waxaad igu tiri haddii aan Hiraab laga adkaan dawladda ma socon karto, waxaana ku qaadday weerraro badan ilaa iyo haddana waxba kama soo bixin.
  3. Waxaad xertay dhammaan magaalada jidadkeeda iyo in gaadiidkii ka baxaa uusan ku soo noqon Karin kii soo galaana uusan ka bixi Karin, taasina waxay nagu dirtay oo na  nacsiisay shacabkii canshuurta na siinayey ee reer Muqdisho.
  4. Jawaari ayaad la dagaashay oo waxaad na gelisay dagaal aad u kharash badnaa oo aan wax faa’iido ah qaranka ugu jirin.
  5. Waxaad sameysay ciidan aad xasilin ugu yeertay oo inay dhibaato geystaan maahee aan ammaan wax ka qabanin.
  6. Waxaad saxeexdaay heshiiskii DP World ee Berbera adiga oo aan inu soo wargelinin. Intaas oo dhan waan u dulqaadanayey, hasa yeshee hadda waxaa la soo gaaray xelligii khaldaadkaaga la sixi lahaa.

Haddaba walaalow waxaan ku ballanay in haddii aan isqabbanno annaan barlamaan isla aadeyn oo is casilaadaada aad ii keeneyso. Sidaas darted adigoo xusuusan ballantaas ii keen is casilaadaada.

RW kheyre ayaa isku dayey inuu intaasba u yeelo qiil iyo sabab, hasa yeeshee Farmajo ayaa ugu daraay waxaan kaa quustay maalintii aad ii keentay Indhacadde oo aad igu tiri waxaa uu xaaqayaa dadka degganaa agagaarka Kuliiyadda Jaalle siyada iyo Wasaaradda Gaashaandhiga, kadibna aan kugu iri waa masaakiin u badan xaasaskii ciidamada ee sideen yeeleynaa, kadibna adigoo jeesjeesaya aad igu tiri waxba nagama gelin cidd ayey yihiin iyo meesha ay aadayaan.

Marka war iyo dhammaantii waxaad si degdeg ah iigu kentaa istiqaaladaada.