MW Farmajo oo dhexda ka fadhiya fadeexad kaddib markii uu ku qaabilay RW Qatar gudaha Sucuudiga

Reading Time: < 1 minute

Waxaa amakaag iyo layaab ku noqotay Boqortooyada Sucuudiga iyo dhammaan saxaafadda dalka Sucuudiga kaddib markii uu MW Farmaajo ku qaabilay qolkii uu ka deganaa hotel ku yaal magaalada Makka RW dalka Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Boqortooyada Sucuudiga aya u aragta arrintan mid lagu dhaawacayo xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Soomaaliya sida ay qortay jariidada Al Sharqa.

Kulankan oo aanan hore loo shaacin ayaa waxaa inta badan diblomaasiyiinta Boqortooyada Sucuudiga ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah Boqortooyada.

Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka dalalka Sucuudiga iyo Qatar aya waxaa dowladda Soomaaliya si dadban ay ula safatay dowladda Qatar sababo dhaqaale aawgeed, balse dowladda Sucuudiga aya ka gaabsatay xiriirka MW Farmaajo iyo dowladdiisa.

Dowladda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka kaalmada dhaqaale siin jiray Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre.