Warar iyo xogo aan qarsooneyn ayaa laga helayaa in magaladan Muqdisho ay ka socodaan wareejin lacago badan oo uu bixinayo MW hore Farmajo, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro kudlad barlamaani ah oo durbaba bilowda mucaaridda MW Xasan sheekh iyo in laga horyimaado RW uu keeni doona mid waliba, si loogu diido kalsoonida barlamanka.
Xog ay MOL ka heshay ilo kala duwan oo is dhameystiraya isna rumeynaya waxay sheegeysaa in shalay oo kaliya uu Farmajo u qeybiyey lacag $6 ila $8 milyan ah xildhibaanda la rabo inay noqdaan mucaarid joogto ah barlamankana curyaamiyaan. Dhowr ka mid ah ayaan markii aan weydiinay sababta ay u ogolaadeen damacaas nagu yiri hadalkii caanka ahaa ee Danjire Salad Cali Jeelle “ Lacag waa qadasho codkana waa aniga, hadda ayey yiraahdeen lacag waa qaadasho Mucaaradnimo xelligaan waa Maya”
Qoddobada qorsheysan waxaa ka mid ah:
- In mooshinno is xigxiga laga keeno Sh Aden Madoobe si loogu badalo Xasan Cabdi Nuur, haddii lagu guleystana madaxdweynaha laga keeno.
- In laga horyimaado qofkasta oo uu RW u soo magacaabo Madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh.
- In magaalada Khalkhal amaan laga abuuro si ay u badato cabsida dadka iyo culeyska dadka saaran kadib markii uu MW Xasan amro in ammaanka la xoojiyo, dadkana loo tuso dhib ay dowladdaan waddo.
- In Barlamanka laga dhigo goob aan dagin oo mar waliba mooshinno is dhex yaacayaan gaar ahaan kuwa laga keeno madaxda hay’adaha dalka.
Arrintaan waxay abuureysaa inuusan dalka oo dhan degin oo ku jiro xaalada kacsanaan ah si aa wax looga qaban baahiya faraha badan ee dalka iyo dadka haysta. Waxaa xallis u baahan ammaan dalka, dhibaatooyinka laga abuuray Jubbaland gaar ahaan walaalaha Gedo oo xeydaab iyo go’doon dano gaar ah laga leeyahay la geliyey, hay’adaha dalka oo ay ku dhex abuurmeen unugyo hurda oo xaalado xun aburi kara, NISA oo laga qaaday awooddeedii shaqo iyo aqoontii ay u lahayd inay la socoto dhaqdhaqaaqa cadowga gudaha iyo dibaada, hawlaheedii ifinta iyo ka hortagga fal dambiyeedyada, iyadoo boliiska laga dhigay hay’ad wax dhibta oo aan marnaba ka daba tagin hal faldembiyeed la galay.
Dalka waxaa uu ku sugan yahay xaalad inuu dumo ay tahay haddii aan la helin hogaamin, aragti iyo aqoon wada socota leh iyo hannaan lagu hubiyo mar waliba in jidkii saxda ahaa lagu joogo.
Dowladdaan waxaa laga rabaa:
- Booga dhayid iyo dib u heshiisin sharciga iyo xaqa waafaqsan.
- Dib u hawlgelinta hay’adaha dalka ee fadhiidka noqday 5tii sano ee la soo dhaafay iyo dhameystirka kuwa dhiman.
- Mideynta ciidamada oo loo kala qeybiyey kooxo aan iskabeyn balse is curyaaminaya.
- Shabaab oo dalka laga xoreeyo awood ahaan, dhaqaale ahaan iyo feker ahaan.
Waa qodobo ka mid waxyaabaha dowladda horyaalla waxaasa jira qodobbo iyagana horyaalla shacabka.
Shacbiga Gedo ilaa Xamar, Boosaaso ilaa Jowhar, Raas kambooni iyo Lawya caddo waxay soo arkeen 5tii sano ee tagtay waxa ka suuragala dowlad aan shuurcda noo taall ku dhaqmeyn; dhaca, dilal guud iyo kuw aqorsheysan, la shaqeysiga argagexisada, caburinta saxaafadda iyo isticmaalka baraha bulshada oo lacag dhowr milyan ah lagu bixiyo, iyadoo abaabro baahsan, Cudurkii Safmarka ahaa ee COVID19 iyo biyo la’aan na hayso ayaa CBB lau bixiyey lacag ilaa $5 Milyan ah.
Xusuuso Farmajo waxaa uu Xamar la yimid waxay ahayd hal boorso, maanta ilaa shalay waxaa madaxdtooyada Qaranka laga rarayeyalaabo lagu gurayey gawaarida Milateriga ee Xamuulka qaada, waxayna ku tuseysaa inuu qaranka dhacay.
Xataa waxaa la gaaray heer ay dadka dowladda ka aamin baxaan oo ay xumaan uun ka fishaan, laakiin ma ogo inay dowladda iyaga yihiin oo laga rabo inay cabir sax ah wax ku cabiraan oo aysna ku khaldamin Qab beenaad sida dhacday 5tii sano ee tagtay sida UAE oo ciidan noo tababareysay la eryo, Qatar lagu badasho, Jibuuti la durkiyo Erateriya oo go’doon ah la soo dhaweysto, Itoobiya oo naceybkeeda doorashada lagu galay 2016/17 dalka oo dhan gacanta uu u geliyey Farmajo wiilasheenana xaabo logo dhigay dagaalkeeda maaha qab.
Qab Qaran waa qaran xor ah, daboola dhaamaan baahida Caafimaad, Bulsho, Dhaqaale, Garsoor iyo Amaanka dadkiisa oo yasan ragagixiso candhuureyn caasimadiisa, kaas oo markii uu meel ku hubsado caalamka si Sharaf leh wax ula qeybsada oo dunida soo dhinac fadhiista marka uu soo hagaajisto gurigiisa.