MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya soo saaray amar in hubka iyo ciidanka la jooga laga soo qaado Gen. Indha Cadde, lama oga sababta keentay amarka uu bixiyay Farmaajo.
Ciidanka Gen. Indha Cadde oo hadda ah ciidanka sugaya amniga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo sanadkii hore ay ciidanka dowladda soo xireen isla markaana ay dileen lix ka mid aha ilaaladii joogtay guriga Cabdiraxman Cabdishakur.
Haddii uu dhaqan galo howlgalkan uu amarka ku bixiyay MW. Farmaajo ayaa waxaa la saadaalinaya in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonto dagaal sokeeye oo markale dib uga qarxa Soomaaliya.
Gen. Yusuf Maxamed Siyad Indha Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidan xoogga dalka Soomaaliya, marna soo noqday wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo afhayeenkii ururkii Maxkamadaha Islaamiga ah.