Maanta ayuu haddana dhaawac kale soo gaaray qaranaimada Somaliya taas oo ay noo keentay haysashda dhalashada dalka Mareykanka ee MW Farmajo. MW ayaa waxaa uu qorsheynayey inuu tago shirka sannadlaha ah ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay kaas oo sannadkastaa Bisha September lagu qabto Magaalada New Yorka ee dalka Mareykanka.
Haddaba sharciga dhalashada Mareykanka waxaa uu sheegayaa in qofka dhalasha kale qaadan karaan laakiin marka uu Mareykanka soo galayo waa inuu ku soo galaa dhalshooda Mareykanka kuna baxaa. Sidaas darted isma qabato inuu Farmajo Basaboor Mareykan ah ku galo Mareykanka, kana khudbeeyo golaha Guud isagoo Madaxweyne Somaliyeed ah.
Sidee ayey wax u jiraan?
- Waa inuu Basaboor Mareykan ah uu ku galaa dalkaas, kadibna Waxaa uu weynaya dhamaan xurmooyinka iyo hab maamuusyada madaxda adduunka la siinayo.
- Amaankiisa lama hubo in la sugayo marka uu ka soo baxo xaruunta Qaramada midoobay inkastoo taas ay kooxdiisa u Xalliyeen oo amaankiisa ay sugayaan koox calooshood u shaqeystayaal ah oo uu leeyahay Erik Prince oo maalintiina ku qaadanaya $30,000.
- Dhibaatada waxay ka timid waxaa jira dacwad loo haysto Maxamed Cabdullahi Farmajo oo si sahal loogu so oogi karo boliiska Mareykankana ay Qaramada Midoobay horteeda ka qaban karaan haddii uu diido inuu tago saldhiga boliiska.
- Inay dhici karto in dacwaddaas muddo loo qabto kadibna uusan dalkaas ka soo bii Karin inta dacwadda laga dhageysanayo.
- Somaliya oo ceeb iyo wajixumo ay ugu sugan tahay hadda iyo hadhowba. Hadda Madaxweynaheedii ma ku matali karo shirka golaha guud. Hadhow weeyaane Madaxweynaheedii oo dalka kale lagu xannibay-Act of war!!
Mareykanka kama gardarna Madaxwayne Farmaajo oo markii loo doortay in uu madaxwayne ka noqdo dalkeena, xukuumadda Maraykanka way la soo xiriirtay waxaana loo sheegay sharciyada ka yaalla marka uu qof haystaa jinsiyada Maraykanka madax ka noqdo wadan kale.
Marka qof haysta jinsiyada Maraykanka uu dal kale ka qabto xil siyaasadeed waxaa u furan laba wado in uu mid raaco. Tan kowaad in uu ka tanaasulo haysashada jinsiyada Maraykanka si uu u helo xuquuqda iyo protocolka loo ogol yahay madaxwayne dalka kale (Foreign head of state) waa sida ay yeeleen dhamaan madaxdii ka horaysay Madaxwayne Farmaajo. Tan labaad in uu sii haysto jinsiyada Maraykanka taas oo uu macnaheedu yahay in uu u hogaansamayo sharciyada Maraykanka ilaalinayana sharafta iyo danaha Maraykanka, islamarkaasna aanan loola dhaqmi doonin sida madaxwayne dal kale (Foreign head of state).
Sidoo kale waxaa loo sheegay haddii uu doorto midda labaad bacdamaa uu yahay muwaadin Maraykan ah ay dowladda Maraykanka siin doonto xuquuq dheeraad ah oo ay ka mid tahay ilaalinta amnigiisa iyo ka taageeridda dhinac siyaasadda. Madaxwayne Farmaajo isaga oo aanan ka talo gelin hay’adaha dastuuriga ee dalka ayuu doortay tan labaad, waana Madaxwaynihii ugu horeeyay addunka ee sidaas yeela. Dhamaan madawayneyaasha kale ee aan kor ku soo sheegnay waxay doorteen tan kowaad oo waxay ka tanaasuleen jinsiyada Maraykanka.
Madax kale oo aaddunyada iska dhiibtay dhalasada Mareykanka kadib markii ay noqdeen hogaamiyayaasha dalkdooda si ay dalkaood sharaftiisa iyo awoddiisa u ilaaliyaansida;Ashraf Ghani (Afgaanistan), Valdas Adamkas (Lithuania), Janet Jagan (Guyana), Elle Johnson iyo kuwo kale,hasa yeeshee Farmajo daacad ma u yahay Somaliya, masa fulin karaa disturkeeda uu Allah dartiis ugu dhaartay inuu fulinayo waxa ku qoran.
Hogaaminta Dalka oo Dayacan.
Haddaba waxaa is waydiin leh maxay tahay caqabadaha uu Madaxwayne Farmaajo la kulmay ee ku wajahan xilgudashada Xilka Madaxwaynimada Somaliyeed ee loo dhaariyey. Tan kowaad uma suurta gelin in uu booqasho ku tago dalka Maraykanka oo ay ku taallo xaruunta qaramada midoobay oo inta badan go’aanno masiiri ah oo dalkeena Khuseeya lagu go’aamiyo. Dhinaca kale, Haysashada dhalasha Mareykanka waxay gacmaha ka xereysaa inuu maadaxweyne Faarmajo inuu ku dhaqmo qeybo ka mid ah diinta Islaamka.
Sidaas darted haddii ay is waafaqi waayaan sharciyada Somaliya ee ku qoran distuurka iyo kan Mareykanka MW farmajo waxaa uu raacayaa kan Mareykanka, waana arrin muuhiim ah.
Maadaxweynaha kuma dhaqmi karo qawlkii ilaahay ee Suura-tu-albaqara aayadda 179 (Quran.com/2/179). Aayaddaan oo uu rabbi ku leeyahay “ Waxaa idiin kugu sugan Qisaasta nolol dadka wax garadka ahow waxaanad mudan tihiin inaad dhowrsataan” Markaas Madaxwayne Farmaajo isagoo ilaalinaya sharciga Maraykanka oo uu jinsiyadiisa wali haysto ayuu ka gaabsaday qaybo ka mid ah awoodaha Madaxwaynaha taas oo ay ka mid tahay saxiixida fulinta xukunka dilka ah ee lagu xukumo dambiilayaasha dilka ka gaysta dalka.
Waana sababta hadda u dilka u badan yahay waayo haddii la xukumo kadib waa soo deyn karaa haddii laaluush la bixiyo, weyna dhacday oo shabaab ayaa sidaas sameeya.
Tan iyo intii la doortay Madaxwayne Farmaajo wali lama fulin xukun dil ah, iyadoo aan ognahay in Maxkamadaha dalka ay xukumeen danbiilayaal badan oo sugaya in lagu fuliyo caddaaladda. Dood waa laga qabi karaa in qaabka maxkamaduhu u xukumeen inuu u baahan yahay in si wanaagsan loo hubiyo oo aan khalad lagu gooyn naf uu dilkeeda Rabbi xaraantimeeyey. Waxaa suurtagal ah in ay jiraan arrimo kale oo badan oo aanan la ogayn oo uu Madaxwayne Farmaajo haysashada jinsiyada Maraykanka darted uu uga gaabsanayo fulintooda ama uu u fulinaya sababta haysashada jinsiyada Maraykanka darted iyadoo aanan loo eegayn danta dalkeena.
Haddaba waxaa haboon in hay’adaha dastuuriga ah ee uu ugu horeeyo Golaha Shacbiga in ay ku baraarugaan masuuliyada saaran, dalkana ka badbaadiyaan in cid aan dalkan oo Kaliya daacad u ahayn xilkiisa ay qabato ama sii hayso.
Isku soo duub Kadib markii uu bixi waayey Farmajo ayuu bilaabay qiiq isku qaris iyo qowda maqashii waxna ha u qaban qaranka tallaabo ah. Waxaa uu shir lagu sheegay degdeg uu isugu yeeray Madaxweynayaasha gobollada oo uusan heshiisba la ahayn kadib markii ay hakiyeen la shaqeyntiisa.
MOL u maleyn meyso shaaha Oday Waare la siiyey inuu keeni karo shuyuushda kale ee gefafka badan tirsanaya ee hogaamiyada maamullada kale. Ma dhici doonaa shirka uu ku amray Farmajo, haddii uu dhicinsa maxaa dhici kara? Cabsi badan!!!