MW Farmajo Maa koray Misa Dantiisa ayuu ka dhex Arkay Taageerida Siciid Deni? Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Dadka badankiis waa la yaabeen markii ay arken qoraal la leeyahay waxaa soo qoray MW hore  Farmajo, kaas oo u uku taageerayo doorasho. Ma la hubaa inuu doorasho taageerayo Farmajo, misa wax kale ayuu u jeedaa oo dantiisa ayuu ka dhex arkay? Aynu isla jeexjeexno.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay iyadoo la leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war cusub kasoo saaray doorashada Puntland, isaga oo taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo aysan u dhameyn reer Puntland, dalka iskaba dhaafe.

Haddiiba uu doorasho bogaadinayo muxuu uga shaqeyn waayey muddadii 5-da sano ahayd ee uu dalka gacanta ku hayey ee uu intaas diiddanaa ina doorasho la soo hadal qaado, isagoo waliba dalka khater geliyey oo Khasab iyo cabsi looga qabtay doorasho.

MW Farmajo dalkaan waan la xisaabtameyn maahee dembi weyn ayuu ka galay wuxuuna dalka ku riday dib u dhac ka weyn 10 sano. Wuxuu yimid distuurka oo dhameystir ku dow, maamul goboleedyada oo u dhisan, darajada shaqaalaha dowladda iyo kuwa ciidamada oo u habeysan iyo dalka oo 85% uu gacantiisa ku jiray. Maalintii laga qaadayeyna Madaxtooyada ayey ku dhowaayeen inuu shabab qabsado meel kala oo kastaa iska daaye.

Runtii waa foolxumo, daciifnimo iyo caqli gaabni inuu hadda doorasho ka hadlo oo uuba soo hadal qaado in kursi lagu tartamo. Doorashada Puntlnad uu rabo inuu Saciid ka qabto maaha waxa laga soo horjeedo oo isaga taageero uga baahan ee waa qaabka iyo wax ka dhalan kara oo cabsi laga qabo.

Siciid hadii uu dalka Somaliyed dan ka leeyahay muxuu u sugi waayey inay dalka loo wada diyaariyo doorasho loo dhan yahay. Doorashada Puntland haddii ay dhacdo waxay la iman doontaa laba dhacdo dalka dhibaato ku ah:

  1. In la isku dilo marka uu Siciid ku shubto maadaama uu isaga shaarka tolanayo, kadibna gashanayo. Haddii uu daacad ka yahay muxuu u oran waayey waan qabanayaa laakiin ma tartamayo, Somali oo dhan baa ku farxi lahayd kuna amaani lahayd.
  2. Puntland berri waxay ku doodeysaa si kastoo musuqmaasuq u galo doorashada annaga Somalida waxba lama qeybsan karo si siman waayo madaxdeenna waa la soo doortay, waan tan uu Siciid Rabo kadibna istaago Meesha ay hadda Somaliland Taagan tahay oo ah aniga shacabkaa I doortay. Haddii la dooran waayana waa dagaal inuu Puntland Dumiyo.

Isku soo duub Faramjo iyo Deni midkoodna xelligan wanaag dalkaan uma wadaan ee waxay ku qafilan yihiin dano shakhsiyadeed waxay na u marayaan waddo kasta xalaal iyo xaaraan tii ay noqotaba, laakiin Somalida ayaa kortay oo aan dib loogu sirey waddaniyad falso ah oo lagu daneysto, qabiilka uu Dani rabo inuu Durbaan iyo Calan ka dhigto.