Madaxtooyada iyo MW Farmajo ayaa waxay hadda raadinayaa qaabkii shacbiga ay ugu sheegi lahaayeen inay Somaliya dib u dhigeyso dacwaddii Badda muddo, si mar kale fursad loo siiyo MW Uhuru iyo Kenya. Dacwadda badda waxay joogtaa guul ay Somaliya la hoyato waxaana guushaas ka dhiman ku muddo maalmo ah ilaa bisha 15ka September 2019.
Dadku ku dhow Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo waxay sheegayaan inuu aad u dhibsaday faquuqidda ay Faquuqeen Abiy, Afawerki iyo Uhuru oo xerada bannaanka looga dhigay. Bishii laba jeer ama ugu yaraan hal mar ayey midkood ama laba ka mid ahi is arki jireen haddana waa laga tashaday MW Farmajo oo la ma aamini karo ayaa la yiri. Haddaba isagoo aad u dhibsanya arrintaan ayuu bilaabay inuu qaado tallaabooyinkan naxdinta leh. MW Farmao waxaa uu goostay:
- In Uhuru Kenyaata uu raalli geliyo Farmajo, isla markaana uu kaga badashoin uu Joojiyo taageerada nooc kasta leh ee ay Kenya siiso Axmed Madoobe, isla markaana Farmajana uu la qoro warqad MW Uhuru taas oo dib loog dhigayo go’aanka Maxakamadda ay ku dhawaaqi rabto bil kadib, si loo furo wadahadal ku saabsan baddeenna mar kale.
- In Abiy Axmed iyo Afawerki ay raalli ka noqdaan MW Farmajo, isla markaana uu Abiy oggolaado in ciidan Itoobiyaanka ah la geeyo Dhuusamareeb iyo Kismayo, taas oo uu Abiy diiday markii ay Uhuru uu ka xanaaqay ballamo uu uga baxay.
- In Farmajo uu ka codsaado in Abiy uu dhexdhexaadiyo Uhuru iyo isaga.
Arrina dib u dhigista go’aanka dacwadda Badda ee uu rabo in nuu MW Farmajo dhiciseeyo waxay kala jebisay kooxda NN oo ay ka soo baxeen qaar ka soo horjeestay MW iyo RW. Kuwaas oo leh war waxaan iibineynaa sharaftii iyo dhulka dalkannaga ee yaanaan dacwadda badda fargashanin oo aan sideeda u deyno. Hasayeeshee MW Farmajo oo uu la qabo Kheyre waxaa uu kooxdiisa u sheegay:
- Inuu go’adoon ka noqday waddamada geeska Afrika sidaanna uu ku sii jiri Karin qof ahaan iyo hogaamiye ahaan tan oo uu mar waliba ka fekero.
- Inuu ka baqayo inay Mareykanku ku xumeeyaan oo dhalashada lagala noqdo haddii uu diido inuu arrinkan badda dib u dhigo, wadahaladalna uusan ka gelin.
- In Kenya iyo Somaliya ay wadahal billaaban isagoo og in Somaliya la gacan maroojin doono iyadoo loo abuurayo culeysyo Kheyre iyo Farmajo ay degdeg ugu fuliyaan waxa ay Kenya rabto.
- In dalalka Norway iyo Qadar ay diyaar u yihiin inay dhaqaale badan siiyaan dowladda NN , taaso oo loo kaashan karo wax ka qabashada baddalidda Madaxda maamullada Galmudug, oo isaga Madaxweyihedii intuu jeebka buuxsaday kaash iyo deyn Xamrna iska soo galay, Hirshabelle iyo Jubaland, kadibna laga fekeri karo in doorasho waqtigeeda la qabto kolka la isku hubasado in Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada lakeeni doono ay ka mid yihiin xisbiga cusub ee la dhisi doono September ee NN.
- In uu ka helayo Kenya iyo Itoobiya taageero lagu go’doominayo Somaliland oo ay Itoobiya iyo Kenya ballanqaadayaan in ay culeys saarayaan, inay ka noqoto goonni-isu taagga.
- In xukuumadda Muusa Bixi lafteeda laga fekero tallaabadii la qaadi lahaa si loo badalayo marka laga soo jeesto, maamul goboleedya Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo dacwadda badda dib loo dhigo.
Sidaas darted MW Farmjo iyo dowlada NN waxay ku dhameysteen in dacwadda dib loo dhigo inta ay ka heshiinayaan Kenya oo baddeenna nagu haysato.
Talo iyo Tashi.
Haddaba Maxaa loo baahan yahay si loo badbaadiyo dacwadda iyo guusha soo carfeysaa ee aynu sugeyno inaan dibadaha u soo baxno bartamaha 15ka September 2019 oo ay maalmo yar naga xigaan?
Waxaa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyinkaan:
- In la abaabulo shirar iyo bannaanbaxyo arrintaan looga hortago laguna muujiyo dareenka shacbiga ee ku aadan dib u dhigista go’aanka Maxakamadda iyo dhiciseynta guusha dacwadda Badda.
- In loo digo MW Farmajo iyo RW Kheyre inaysan ku fududaan soo faragalinta dacwadda badda waxkasta oo dhacaa oo aysan u dhega nuglaan gaalo kasta oo dabada ka riixeyso, aaminaanna Rabbigii geyigaan nagu abuuray inuusan na dayaceyn, haddii aannaan annagu is dayicin .
- In Baraha bulshada aad loogu muujiyo xanuunka ay arrintaan leedahay iyo dareenka laga qabo. Maaha muxaafid iyo mucaarid midna, maaha Somaliya iyo Somaliland ee waa isirka Somaliga iyo waajibaad diini ah in dadnimadaada la difaaco.
- In dadka Muqdisho oo ah cidda kaliya ee bilaabi karta Badbaadinta arrintaan inay is abaabulaan oo ay xataa Farmajo iyo Kheyre u diidaan inay dalka ka dhoofaan si loogu qaado dembigan qaran duminta ah.
- In siyaasiyiinta Mucaaridka ee arrintaan ka aamustaa loola dhaqmo inay ka raalli yihiin sidaas darteedna aysan Somaliya xil ka qaban Karin.
- In lagu mudaaharaado labada aqal ee Barlamaanka lana saaro culeys kasta oo macquul ah xataa lagu xayiro Barlamanka inay ka soo baxaan ilaa ka soo saaraan qaraar ah inaysan dowladdu wax wadahadal ah ka gali Karin arrintaan oo go’aanka loo daayo Maxkamadda.
- In cidkasta oo rabta inaysan iman guusahaas 15ka September 2019 iyo maalintaas farxadda leh oo noqon doonta maalin qaran in rabbi loo baryo inuu na dhaafiyo, lagana qaado tallaabo kasta ee u haboon.