MW. Farmajo iyo RW. Kheyre oo isku khilaafay isku shaandheyntii uu watay Ra’isul Wasaaraha (Xog +Magacyada)

0

Waxaa is maandhaaf ka dhashay isku shaandheynta golaha Wasiirada iyadoo uu MW. Farmajo ka biyo diiday liiska uu soo gudbiyay RW Kheyre ee la rabo in lagu soo daro golaha wasiirada iyo liiska la rabo in laga qaado xilalkooda.

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen waxaa uu muranka ugu badan ka dhashay liiska wasiirada uu rabo in uu xilka ka qaado RW. Kheyre waxayna kala yihiin.

  1. Wasiirka Dastuurka
  2. Wasiirka Gaashandhigga
  3. Wasiirka Dekedaha
  4. Wasiirka Gaadiidka
  5. Wasiirka Arrimaha Dibadda
  6. Wasiirka Arrimaha Gudaha
  7. Wasiirka Diinta & Awqaafta
  8. Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

MW. Farmaajo aya ka biyo diiday in seddex wasiir xilalka laga qaado kuwaasoo kala ah

  1. Wasiirka Dastuurka
  2. Wasiirka Gaadiidka
  3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Sida ay ila wareedyada u xaqiijiyeen MW. Farmaajo aya saluugsan gebi ahaanba isku shaandheynta golaha wasiirada ilaa laga gaarayo sanad guurada labaad markii xilka Madaxweyne uu ku guuleystay oo ku beegan 8 Febraayo 2019.

Waxaa sidoo kale la isku afgaran la’ayahay shaqsigii lagu bedeli laha Gud. Gobolka Banaadir Inj. Yariisow. MW. Farmajo aya ku adkeysanaya in loo daayo shaqsiga lagu bedeli laha halka RW. Kheyre iyo Fahad Yasin ay rabaan in lagu bedelo shaqsi magaciisa lagu sheegay Axmed Washiton.

Waxaa sidoo kale jira tiro Wasiir Ku xigeenno & Wasiir Dowlayaal la bedeli doono, iyadoo uu rabo RW. Kheyre in lagu bedelo xildhibaano si uu isaga difaaco haddii mooshin laga keeno, halka MW. Farmaajo uu rabo in xilalka wax laga siiyo mucaaradka aan xildhibaanada ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here