Haddii uu MW Farmajo uu yiraahdo wax doorasho ah oo dhaceysaa ma jirto maadaama uu ogyahay inuusan jirin Barlaman ka hor imanaya ama maamul goboleedyo inta shiraan soo saari karaa diidmo mideysan yaa ku qabsanaya?
Waxaa MW Farmajo waxaa ka go’aneyd una muuqata hadda inuu ku guuleystay Burburinta maamul Goboleedyada iyo Tiritiridda Federaalka, waxaana suuragal ah inuu ahaa qorsho ay dowlado kale ku jireen oo ah inay dhaqan galeyso khariidaddii Geeska Afrika oo Somaliya laga tirtiray. Waxaa Xamar u soo socda wafdi wasiiro Itoobiyaan ah oo saxeexaya heshiiskii ay Itoobiya dekadadaha kula wareegi lahayd maalmaha soo socda. Waxaa si xawli ah uga socda dalka Itoobiya dhisidda Ciidankii Badda oo ay heshiis kula gashay inuu u dhiso maraakiib dagaal iyo ciidankii ku hawlgali lahaa.
Dhinaca kale guadha waxaa ka socday muddo dheer sidii loo tiri lahaa Maamul goboleedyada oo hadda jooga meel ay mid walib iyadu isku mashquulsan tahay oo xataa shir isugu iman Karin. Haddii dul mar gaaban ku sameyno mid waliba xaaladda ay ku sugan tahay waxaa inoo soo baxaya:
HirShabeelle Talo ma leh.
Cali Cabdulahi Cosoble ayaa Hirshabeelle maalin cad talada looga qaaday lacag iyo Musuqmaasuq ay dowladda Farmajo u adeegsatay, waxaana gacan ku rimis iyo si xaaraan ah lagu keensaday Maxamed Cabdi Waare. Hirshabeelle maanta ma laha wax ka soo qaad talo, tayo iyo tabar toona lagu oga oo waa baaba’a.
K/Galbeed
Madaxweyne Shariif Xasan Shekh Aden ayaa waxaa si xeeladeysan oo ay dad badani u haystaan inuu ku iibsaday kursiga waxaa xoogaa lacag ah lagu badalay Cabdicasiis Lafta Gareen, hasa yeeshee markii dadka reer K/Galbeed ay diideen willka uu MW Farmajo abtiga u yahay in la dulsaaro waxaa loogu xoog sheegtay xabad waxaana la dilay dad badan oo isku dayey inay ka dhiidhiyaan ilaa iyo haddana cidi isma weydiiso. Qof u muuqday inuu madaxa kor u taagayana Sh Mukhtaar Roobow waa la soo xeray walina war looma hayo.
Galmudug waa tagtay.
Waxaa sarriftay oo intuu soo tirtiray ka soo tagay RW Kheyre waxaanu ku qaatay lacag fiican. Maamul Goboleedkii Galmudug maanta waa Taariikh oo waa jiriray oo waxaa loo celiyey meeshii uu Xasan sheekh ka keenay.
Jubaland wali wareersan tahay
Dareenka MW Farmjo iyo qabiilka Mareexaanka waxaa ka go’an in Jubbaland ay noqoto Meesha ay ka taliyaan reerka MW Farmajo haddii kale waxaa uu ballanqaaday inaysan waliged degin. Waxaaa warar xog ahi ay sheegayaan in ciidamo lagu ururinyao Gedo oo ay xataa Ajanabi ku jiraa. Madaxdii degmooyinka u ka kooban yahay gobolka ay Beesha Farmajo wax ka degaan ee Gedo in hadda looga yeeray Itoobiya oo loo soo sheegayo qorshihii lagu burburin lahaa Jubbaland, iyadoo ciidankii Federaalka ee joogay halkaas la leeyahay waxay ka soo goosteen Jubbaland..
Puntalnd
Waxaa in muddo ah loogu yeerayey inay tahay hooyadii federaalka oo ay iyadu saldhig u tahay federaalka, waxayna hayd meel deggan oo ay dadkeedu si fiican u wada noolaayeen . Haddaba si taas loo burburiyo waxaa qalalaaso looga bilaabay dhinaca barlamanka ah oo loo soo maray dhinaca qabiilka. Hadda waxa uu Farmajo ku wadaa in loo qeybyo puntlad Majeerteen iyo inta kale oo Xamar looga talin doono. Barlamaka Puntland oo ka falcelinaya arrimaha ay halkaas NN ka wado waxay bannaanka dhigeen Guddoomiyhii Barlamanka oo ahaa wakiilka Idman ee NN.
Haddaba dadka aqoonta leh ee Somaliyeed waxaa u muuqata in Maxamed Cabdulahi Farmajo loo keenay inuu dalkaan burburiyo. Marka si fiican loo dhugto xaaladda dalkeena oo la texgeliyo waxyaabaha ku xeeran sida dalka Itoobiya oo sameysanaya ciidan Badeed iyagoon lahayn bad, maamul goboleedyadii dalka oo la burburinyey oo maanta aysan jirin mid la shiri kartaa kuwa kale, ciidamadii Guulwadayaasha oo dib loo asaasay iyadoo magaca laga badalay, saraakiishii waaya aragga ahayd ee ogeyd sababaha uu dalka u burburay oo ciidamada qalabka sidaa laga wada wareejiyey, Ciidan caloosh u shaqeystayaal ah oo Erateriya laga dalbaday iyo shidaalkii dalka oo xaraash lagu bixin rabo waxay jidka u xaareysaa in MW Farmajo uu yiraahdo ma jirto doorasho 2020/21 ama uu sameeyo mid macmal ah oo idaacadaha ka yiraahdo waxaa I doortay kooxdaan.
Sidaas darted anigaa Madaxweyne ka ah dalka. Halkaasna ay Somaliya ku noqoto taariikh iyo waxaa jirijirtay dowlad Somaliya la yiraahdo.
Haddaba akhristow si fiican ugu fiirso sawirka hoose oo . ay madaxdeenna hore ugu wareejiyeen MW Farmajo amaanadii dalka hogaamintiisa, tan oo muujinaya heerka ya Somaliya dimoqraadiyadda ka gaartay iyadoo soo martay daggaallo sokeeye ayaa maanta waxay muuqataa rajadaas inay sii dhimaneyso maalin walba oo loo socda sawirkan sare. MW Cabdiqaasim, MW Cabdullahi Yusuf, MW Sheekh Shariif iyo MW Xasan sheekh waxay si sharaf leh midba kan kale ugu wareejiyey wixii uu soo qabtay iyo wixii u harsanaa laakiin MW Farmajo ma ilaalin doonaa dimoqraadiyadda tabarta taran ee uu dalkeennaa ku tallaabsaday Dagaalladi kadib misa wuxuu dib noogu celin doonaa dagaalladi xanuunka badnaa ee aysan jirin cid aan qof iyo laba kaga dhiman?
Ogow waxaa u muuqata dadka caqliga leh sansaan colaadeed oo dib la isu laayo, haddii uusan si degdeg ah ugu dhawaaqin xelli doorasho MW Farmajo. Dalka doorasho ayaa lagu kala xigaa ee xoog laguma kala xigo.