Waxaan dhageystay khudbad uu Jeediyey MW Farmajo oo la hadlayey dhallinyaro ka qalin jebisay Jamacadda Ummadda oo muudo dheer burbursaneyd, hasa yeshee mahadi haka gaarteed ay dhibada u taagtay dowladdii Xasan sheekh Maxamuud. Runtii Madxadweyne Xasan sheekh Laftiisa ayaa Juhdi badan geliyey sidii Jamacadda umadda dib loogu nooleyn lahaa, isagooo waliba ahaa aabihii Jamacadda SIMAD oo hadda ka mid ah jaamacadaha dalka kuwa tayada fiican. Hoos ayaad ka arki doontaan muuqaal maalintaas la duubay oo taariikhi ah, mudanna in lagu faano inay umadda leedahay awoodo badan haddii ay hesho hogaan si wanaagsan u haga.
MW Farmajo oo nasiib u yeeshay inuu ka qeyb galo qalin jebinta dufacaddii ugu horreysay ee ka soo baxday Jamacadda Umadda waxay ahayd inuu ku casuumo MW Xasan sheekh iyo madaxda kale ee bilowgeeda ka soo qeyb qaadatay. Qofna kama joogin madaxdii asaaskeeda lahayd waana ayaan darada dowladaan haysataa abaal darida ay ceeb u arkaan inay sharafteeda siiyaan ciddii wax wanaagsan dalka u sameysay.Sida ka muuqata muuqaalkan hoose MW Xasan sheekh waxaa uu aamanayaa dowladdii kacaanka ee howshaas qiimaha badan fulisay. Maaha in dowladdaas inaysan dhaliilo lahayn laakiin wannaaggeeda in la qariyaa waa damiir iyo dadnimaxumo sida ay madaxda hadda noo joogtaa ku sifoobeen oo ay u isticmaalaan erayga beenta ah ee “ waa markii ugu horreysay”.
Haddaba madaxweyne Farmajo oo la hadlayey dhallinyaro wax walba la socda, gaar ahaan dhallinyaro si fiican u isticmaala aaladda technolojiyada ayaa waxaa uu isku dayey inuu u sheego been cad oo ah inay dowaladda uu hogaamiyaa tahay mid shacabka u daneysa oo ka shaqeysa wanaagooda.
Waxaa u sheegay ina tahay dowlad ay isku wanaagsan yihiin maamul goboleed oo ay ka jirto dood wanaagsan oo wax lagu dhisayo oo kaliya, iyadoo aysan jirin cid ka mid ah oo ay isaga laftiisa isla hadlaan marka laga reebo wiilka uu Abtiga u yahay ee Laftagareen.
Dhinaca arrimaha dibadda waxaa uu u sheegay in ay isku wanagsan yihiin dowladaha deriska ah, iyadoo uu dalku marayo heerkii ugu hooseyey taariikh Somaliya, kuna dhow in la go’doomiyo.
MW Farmajo kama hadal ammaan xumid magaalada u kala xeran qolooyin sidey doonaan u dhaca, u dila, u kufsada, ugana dumiya guryaha iyo cooshadaha ay dhaxanta iyo kuleylka ka geli lahaayeen hooyooyin abaar iyo dowlad la’aan isugu darsantay.
MW Farmajo kama hadal in dacwaddii badda ay joogto mee halis ah oo ay dowladda oo kaliya ay wax ka qaban karto, balse go’aasatay inyasn far u taagin waayo waxay soo dhaaftay dhammaan marxaladihii kale hawsha dacwada. Waxayna ku sigan tahay in loo wareejiyo ga’aankeeda nooca dacwo ee go’aankeeda la sugo 7-15 sano, tan oo ah waxa ay Kenya dadaalka ugu jirto in laga dhigo iyadoo dacwaddeenu ay hadda tahay mid 0-5 Sano in go’aan looga gaaro.
MW Farmajo kama hadlin waxa Galmudug ka taagan oo ah inay qarka u saaran tahay inay burburto. Kama hadal shidaalka la xaraashayo ee ay meelkasta u tagayaan golihii wasiirada si loo xaraasho.
MW Farmajo kama hadlin wadahadallii Somaliland oo iyagana hadda ku dhow inay burburaan taas oo dhibaato weyn u ah dhammaan Somalida dhinaca dhaqalaha. Dipolomasiyadda iyo dhinaca siyaasadda. Waayo aqal dhexdiisa ka qeybsan ma taagnaan karo. Waa in xal waara loo helaa dhibatada walaalaha Somaliland, laakiin Farmajo maahan cidii u heli lahayd inuu uga daro mooyee.
Haddaba MW Farmajo ma qof aan caadi ahayn baa oo aan ka warqabin waxa dalka ka socda, misa dadka uu la hadalayo ayuu u haystaa inay yihiin xoolo aan waxba fahmeyn. Aniga ma kala garan waalli iyo miiyir qab, caaqil iyo dabbaal, kha’in iyo wax ma garte, Muslim iyo munaafaq mid aan ku tilmaamo inuu yahay ee bal akhriste adigu qiimee afkaan dhurmaya ee aysan dhagahiisu maqleyn.
W/Q: Xasan Maxamed Xuseen
Hyderabad, india
[email protected]
[su_highlight background=”#ffec99″]AFEER: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Muqdisho Online. MOL, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid [/su_highlight]