MW Farmaajo: “Zakariya Xaaji ayaa nagu qalday safarka Eritereeya”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ku soo noqday dalka isaga oo ay ka muuqato caro iyo murugo iswadato. Safarkii Eritereeya ee uu labada maalin ku tagtay magaalada Asamara ayaa ujeedadiisu ahayd sidii dalka Eritereeya looga qaadi  lahaa cunaqabataynta, dalka  Soomaaliyana noqdo wadadii loo mari lama.  Sidii aan shalay MOL u soo tabisay runta ka danbeeysa safarka Farmaajo ee Eritereeya, ayaa waxa soo baxaya warar sheegayo in MW Farmaajo lagu qalday safarka uu ku tagay Eritereeya.

http://46.101.175.207/mw-eritereeya-oo-si-farsameeysan-u-isticmaalay-boqashada-farmaajo-xog-muhim-ah/

Safarkaan ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen kooxo uu hogaaminayo Xildihibaan Sakariye Xaaji oo lagu yaqaan fudeed iyo wadaninimo been abuur ah.  Waxa ay ku qanciyeen MW Farmaajo  in uu safarkaas  uu ku aado Eritereeya. Safarkaan waxa uu dhaawac gaarsiiyay walalaha Jabuuti iyo wadamadda saaxibada dhaw la ah Soomaaliya.  Wax dan ah uu ugu jiray Soomaaliya ma jirin, waxa uuna keeni doonaa dhaawac siyaasadeed oo  dhib wayn u keeni doono mustaqbalka Soomaaliya.  Wasiirka Warfaafinta Jabuuti  Ali Hassan Bahdon ayaa sheegay “Farmaajo ma waxa uu garan waayay in uu MW Ismail Cumar geele telefan kula Soo hadlo inta uusan bixin”

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay  xildihibaano ay isku dhaw yihiin ayaa u sheegay in uu la qalday. waxa uu sheegay in  Zakariye Xaaji uu si qaldan wax ugu sheegay. MW Farmaajo ayaa eed dusha kala dhacay Zakariye iyo Tarsan oo qaban-qaabada safarka lahaa. MW Farmaajo hadiiba uu talo ka qaadanao labadaa nin waxaan shaki ku jirin in uu Soomaaliya qarka ka sii dici dono.