MW Farmaajo & RW Kheyre oo si wadajir ah uga qeyb gali doona shir ka dhacayo Ruushka

Reading Time: < 1 minute

MW Farmaajo aya lagu wada in uu kaga qeyb galo magaalada Moscow shirka Afrika iyo Ruushka kaasoo lagu wado in uu ka furmo magaalada Moscow horraanta bisha Oktober ee foodda nagu soo haysa.

MW Farmaajo aya ka helay martiqaad MW Ruushka Vladamir Putin kaasoo loogu soo dhiibay safiirka cusub ee Ruushka u soo magacaabay Soomaaiya Mikail Golovanov.

Shirka Afrika iyo Ruushka aya waxa wada shirgudoomin doona MW Ruushka iyo MW Masar oo hadda ah madaxa Ururka Midowga Afrika.

Sida aan xog ku helnay waxaa shirkan daba socda shir doceed dhex mari doona maal qabeenka Ruushka ee ah milkiilaha shirkadda SOMA-OIL iyo wafdiga MW Farmajo, waxaana xogta ay intaa ku dareysaa in shirkan ay kawada qeyb gali doonaan MW Farmaajo iyo RW Kheyre, waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne iyo Ra’isul wasaarahiisa ay hal shir kawada qeybgalaan.

Ujeedka safarka Kheyre aya ah sidii uu ula kulmi laha Milkiilaha SOMA-OIL oo isagaba ka mid yahay ragga saamiga ku leh, waxaana jirta sida xogta aan ku helnay in MW Farmajo iyo RW Kheyre aanay isku qabin kalsooni, Farmaajana uu aaminsan yahay in Kheyre uu wato dano gaar ah sidaa darteedna uu aad uga foojigan yahay falalka RW Kheyre.