Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu safar aan la shaacin ku tegi doono dalka turkiga maalinta berrito ah sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska warfaafinta Villa Somalia.
Waxaa MOL loo xaqiijiyay in Safarka Madaxweynaha uu la xiriiro arimo caafimaad iyo arimo isaga u khaas ah oo aanay habooneyn in bulshada lala wadaago ayuu yiri mid ka mid ah howl wadeenada xafiiska warfaafinta Villa Somalia.
Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa saarnaa culeesyo waa weyn oo qatar geliyay caafimaadkiisa, waxaa MOL loo sheegay in Madaxweynaha uu gebi ahaanba iska waayay hurdada, waxaana dhacda in 72 saacadoodba uu hurdo wax ka yar 3 saacadood. Taasoo keentay in aay aafeeyso caafimaadkiisa guud, waxaa intaa u sii dheer sida ay noo sheegeen ilo wareedyada dhabar xanuun iyo cunitaanka raashinka oo dhib ku ah.
Dhaktarka gaarka ah ee Madaxweynaha Dr Gurey Macalin ayaa in badan ku taliyay in Madaxweynuhu uu u baahan yahay baaritaan caafimaad inuu u tago dal lagu kalsoon yahay oo Soomaaliya saaxiib la ah, balse Madaxweynaha uu ka caga jiiday, taasoo keentay in xaaladiisa caafimaad ay hadda qatar ku sugan tahay.
Safarka Madaxweynaha ee berrit iyo wixii kusoo kordha xaaladiisa caafimaad dib ayaan kasoo sheegi doonaa hadduu alla idmo