MW Farmaajo oo walaalkiis u magacaabay qunsulka Kenya

MW Farmaajo aya u magacaabay Xabiib Birmad Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi. Xabiib oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo shaqeysay ololaha doorashada Farmaajo kana mid ahaa shaqaalaha Villa Somalia ayaa horraantii sanadkii hore waxaa uu u magacaabay in uu shaqaale ka noqdo safaaradda isagoo laga dhigay xogyaha koowaad ee safaaradda.

Xabiib Birmad waa nin dhalinyaro ah balse aan aqoon u lahayn siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda, Xabiib ma helin waxbarasho hoose iyo mid sare, wuxuuna kusoo barbaaray xeryaha qaxootiga Kenya, waxaa uu galay dalka Mareykanka horraantii sanadkii 2009.

Waxaa sidoo kale safiir ku xigeen loo magacaabay haweeney magaceeda lagu sheegay Safiya Cali (Safiya Mahiiga).  MOL ayaa heshay warqadihii lagu magacaabay labada shakhsi , waxaana soo bandhgi doonnaa markey munaasib nala noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here