MW Farmaajo oo shalay looga yeeray Xarunta Xalane. Maxay kala hadleen Maraykanka?

Reading Time: < 1 minute

Shalay galabtii makii uu ka soo degay diyaaradii uu uga yimid Neyroobi aya waxa MW Farmaajo waxa uu si toosa uu u galay xarunta Xalane oo ay saraakiil Maraykan ah oo isugu jira Dublamaasiyiin  iyo ciidan ay ku sugayeen.

Kulankan o  ay alabaada u xirnaayeen ayaan jirin cid ku wehlisay Farmaajo oo ka socotay dowlada Soomaaliya. Kulanka aya waxa la sheegay in looga hadlaayay arimo badan oo ay ku jirtay arimaha amniga ee ka sii daraya dalka iyo doorashada Koonfur Galbeed. Farmaajo aya afka furtay sheegayna dhibka ugu wayn ee haysta dowladiisu ay tahay RW Kheyre oo ah shaqsi aan la xakamayn karin. Dhibaatada dalka ka jirtana waxa uu dusha ka saarafay Xassan Cali Kheyre. Dhanka kale Farmaajo ayaa loo sheegay dareen ka laga qabo hay;adda NISA iyo burburka ku yimid Hay’adda ayna u baahan tahay isbadal dhaqso ah.

MW Farmaajo aya ku goodiyay in uu baarlamaanka gacanta ugu jiro dhamaantiisa waxa waxa jira ayuu yiri koox yar oo Hawiye ah oo ka haray dowladii hore oo waxa ay qaban karaan ayan jirin.

Shirkii shalay dhacay ayaa waxa uu qaatay in ka badan labo saac oo aan loo kala kicin ayaa waxa uu sidoo kale hordhac u ahaa safarka maanta ay saraakiisha ciidanka Maraykank ku yimaadeen Magaalada Muqadishu.