Amniga Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho Faraha ayuu ka baxay Qaraxyo waa weeyn oo ay ku hoobteen Kumanaan ruux oo shacab ah ayaa dhacay dilalka kama aysan ay yareeysan Jidadkii shacabka waa laga xiray intaasi iyo Tacadiyo kale waxaa masuuliyadeeda lahaa R/wasaare Hassan Ali kheeyre oo Arrimahaasi loo madax Banaaneeyay.
Hase’yeshee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hadda Boorka iska jafaya si uu Fashilka R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Dhex-dabaaliyay uga badbaadiyo”Madaxweyne Farmaajo hal sano iyo Bar xukuumadda waan siiyey Fursad amniga wax uga qabato, hadda wixii ka danbeeya hawsha gacanta baan la galayaa”
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaaa hadalkaan waxaa uu ka sheegay madal uu Kula kulmay odayaasha dhaqanka beesha Mudulood oo uu ka rabo kasbasho siyaasadeed
Isbedello in uu sameeynaayo ayuuu sheegay islamarkaana uu tirtiraayo qorshayaalkii Xukumadda sida in waxka bedel lagu sameeyo
Taliyayaasha Ciidamada iyo in Amniga caasimadda Gacan Bir ah lagu qabto si shacabka loo badbaadiyo,taasna waxaad ku ogaan kartaa Ciidamadii Xasilinta Ee Xassan Cali Kheeyre Ee Hubka laga dhigay.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu yaqiinsaday in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre uu hog-dheer ku riday Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Ee Shacabku kasloonida ay ka qabaan la xariirta Maadaama uu dayacay amnigii iyo Howlahii Qaranka.