MW Farmaajo oo safar dhaqso ah ku tagi doono dalka Sudan. Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmaha soo socda safar dhaqso ah ku tagi doono dalka Suudaan. Codsiga safarkaan ayaa ah mid ka yimid MW Farmaajo. Safarkii uu dhawaan MW Farmaajo ku tagay dalka Eritereeya ayaa waxaa ka dhashay dareen xun  oo saameeyay xiriirka  u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. MW Farmaajo ayaa ka codsaday Madaxweyne Cumar Al Bashiir in u dhex-dhexaadiyo isaga iyo Ismail Cumar Geele.

Safarkii Eritereeya uu ku tagay MW Farmaajo ayaa dhabar jab ku ahaa dowladda aan walalaha nahay ee Jabuuti. Qoraal uu shalay soo dhigay bartiisa  Twitter Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yusuf  ayuu ku sheegay  in MW Ismaaciil Cumar Geele uusan marnaba  la xaajoonaynin  Madaxweynaha Eritereeya ilaa uu ogolaado   go’aanka Golaha Amaanka ee la xiriiray dhulka Eriteeeraya ka haysato Jabuuti. 

qoraalka wasiirka hoos ka aqriso