MW Farmaajo Oo qirtay inay Dowlada Soomaaliya qalad ka gashay ONLF raaligalin buuxdana ka siiyay dhiibistii Qalbi-dhagax

Reading Time: < 1 minute

Mxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan layeeshay hogaanka sare ee Uururka ONLF oo ku sugan Mgaadalada Asmara ee xarunta dalka Eratariya.

Kulankaan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo hugaanka ugu sareeya ururka ONLF ayaa loooga hadlay waxyaabo badan iyadoona ay qeyb ka aheed xarigii loogeestya Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax.

MW Farmaajo ayaa raali galin kabixiyay falkii foosha xumaa ee lakula kacay Qalbi dhagax isagoona sheegay in ay ahad arin qalad ah in Qalbi dhagax loo gacan Galiyo Itoobiya.

Sidookale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta ONLF in ay iska ilowaan dhibkii loo geestay Qalbi dhagax, waxuuna ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan isabalada ka dhacaya Geeska Afrika.

Maxamed Cumar Cusmaan Guddomiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uu ka raali galiyay falkii lagula kacay Qalbi dhagax ayna raali galintaasi qaateyn.