MW Farmaajo oo qandaraaska dhismaha Villa Soomaaliya siiyay Cali Geedi iyo Cabdi Jiinoow? Muxuu ku badashay?

Reading Time: < 1 minute

MW Farmaajo aya in mudo ah waxa uu balan qaad u sameeynayay Cabdi Calasow (Cabdi Jiinow ) in uu ka dhigi doono Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NISA), markii uu balan qaadka uga baxay Jiinow ayaa waxa uu u balan qaaday in uu siin doono furdas uu lacag ku sameeyo isagana uu ku abaal sheeegto.

Hadaba qandaraaskii dhismaha balaarinta Villa Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Howlaha Guud loona qabtay tartan been abuur ah aya la sheegay in ay ku guuleeysatay shirkad ay wada leeyihii  Cali Maxmed Geedi iyo Cabdi Jiinow oo lagu magacaabo Heliwaa Construction Company.

Shirkadan been abuurka ah aya  ah shirkan dhisan mudo ka yar hal sano isla markaana aan horay u soo qaban shaqo lagu qiimeeyo. Warar hoose oo ay heshay MOL aya cadeeynaya in xaaska Madaxweyne Farmaajo  Zeynab Macalin ay qayb ka tahay qandaraaska. Sidoo kale waxaa la sheegay in  lacagta lagu bixinaayo qandaraaska ay qaybteeda ka qaadan doonto. Shirkadihii ka qayb galay tartanka been abuurka ahaa aya aad uga xumaaday qaabka loo maamulay tartanka qandaraaska.