MW Farmaajo oo magacaawday Garsoorayaal u adeega danahiisa

Reading Time: < 1 minute

MQ Farmaajo  ayaa wareegto uu soo saaray   waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Qoraalka uu soo saaray Farmaajo  ayaa waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal uu isaga soo xushay kana tarjumi doono danahiisa gaarka ah. Waxa uu horay u soo magacaabay will dhaliyaro ah oo aan wax qibrad ah u lahaynin garsoonka dalka  in uu hogaamiyo maxakamada sare, Baashe Yuusuf Axmed

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

1-Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
2- Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
3-Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
4-Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Su’aasha la iswaydiinayo ayaa waxa ay tahay halkee buu ku danbeeyay Baarlamaankii Soomaaliya oo ahayd hay’adii la xisaabtami lahayd Madaxweynaha iyo Xukuumada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!