MW Farmaajo oo Magaalada Marka ka degay iyada oo ay baroor dhiiq ka socoto Muqadishu

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo oo ay ilaalinayaa ciidan xoogan oo ka socda AMISON ayaa gaaray daqiiqado ka hor  Magaalada Marka. Wafdi uu hoggaaminyo Madaxweynaha ayaa waxaa ku jiro  Xildhibaano ka soo jeedo degaanka Shabeeladda Hoose.

Dad banan waxa ay la yaaban yihiin  sababta keentay in uu safarkaas ku tago magaalada Marka iyada oo magaalada Muqadishu  ay ka socoto baroordiiqdii 14ka Oktoobar.

Dhanka kale safarkaan ayaa waxa aan laga wargalinin dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ah degaan hoos yimaada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.