MW Farmaajo oo maanta lacag siisay MW Xeef iyo Xeef oo berito ku wajahan Dhusamareb. Maxaa isbadalay?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Axmed Ducaale Xeef ayaa asbuucyadii  ugu danbeeyay waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqadishu isaga oo ka warsugayay Madaxda Dowladda Federaalka. Maanta ayaa  waxa loogu yeeray kulan xafiiska MW Farmaajo ee Villa Soomaaliya. Kulaanka u dhaxeeyay Xeef iyo Farmaajo ayaa waxa uu socday mudo ku dhow labo saacadood. Inkastoo qodobo badan looga hadlay shirkaas  hadana waxaa diirada lagu saaray shirka Kismaanyo oo laga codsaday in uu ka baaqdo. Baaqashadiisa uu ka baaqsanaayo  shirka ayaa dowladda  waxa ay ugu badalaysaa lacag. Xeef ayaa waxa maanta lagu wareejiyay lacag aanan wali xaqiijinin cadadkeeda laakiin lagu sheegay in ay gaarayso $450,000 (afar boqol iyo konton kun oo doolar). Axmed Ducaale Xeef ayaa qirtay in isaga, Farmaajo iyo Kheyre isfamay fiican ka dhex dhacay.  Xeef oo ay la hadleen qaar ka mida wasiiradiisa ayaa u sheegay in “ .. uu ka soo qaaday Farmaajo qayb ka mida lacagtii ay xaqa u lahaayeen reer Galmudug”.

Berito ayaa la filayaa MW Xeef in uu u dhoofo magaalada Dhusamareeb oo dhawaan loo soo raray xaruntii dowlad goboleedka Galmudug. Axmed Ducaale Xeef oo lagu yaqaano is badal iyo moowqif la’aan ayaa waxa aan la saadaalin karin in uu ka baaqsan doono shirka  ay ku kulmayaan hogaanka dowlad goboleedyadda laguna wado in lagu qabto magaalada Kismaanyo bisha Sibteembar sadaxdeeda. Mid ka mida Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa u sheegay MOL in ay macquul tahay in Xeef lacagta ka qaato Farmaajo ka dibna balanta uga baxo “ Xeef nin naxa ma aha, waxaana macquul  ah in uu lacagtana ka qaato Farmaajo, shirkana ka qayb galo” waxa uu ku daray “ ilama aha aha in uu si fudud ku ilaabi doono sidii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu ugu hiiliyeen  sanadkii hore marka dowladda dhexe dagaalka soo qaaday”