Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi caan ah oo mar aad ugu dhawaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raagge ayuu madaxweynuhu waxa uu u magacaabay la taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Villa Somalia .

Siyaasigan ayaa weli si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa, ayaa haddana waxa ay banaanka keenay isbedel weyn oo ku yimid qorshihii Villa Somalia ee uu hormuudka u yahay Farmaajo.

Villa Somali ayaa la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ay waday qorshe ay Farmaajo ugu sameynayso muddo kordhin, waxaase magacaabistan ay muujineysaa inay u muuqato in madaxweynaha uu aqbalay doorasho dadban, sababtoo ah Cabdi Cali Raagge waxa uu horey uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waana aad ugu dheereeya.

Cabdi Cali Raagge ayaa la rumeysan yahay in Farmaajo uu xilkaasi ugu magacaabay sidii uu uga shaqeyn lahaa inuu dib ugu soo laabto nooc doorasho oo ka duwan midka uu hore ugu dhaganaa ee qof iyo cod.

Farmaajo ayaa u muuqda mid siyaasad cusub ciyaaraya, maadama si weyn looga digay inuu sameeyo muddo kororsi sababi kara qalaalase siyaasadeed, isla markaana hoos u dhigaya sumcadiisa siyaasadeed.