Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Turkiga isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.
Labada madaxweyne oo yeeshay kulan socday 30 daqiiqo kaddib waxaa MW Farmaajo uu baqoolay magaalada Kampala gelinkii danbe ee caawa. MW Farmaajo aya lagu wada in uu joogi doono magaalada Kampala booqasho maalin qaadan doonto oo uu kula kulmaayo madaxweyne Yuweri Musefani.
Booqashada Kampala kaddib aya waxaa Madaxweyne Farmaajo la filaya in uu yimaado magaalada Nairobi oo halkaa joogi doono muddo seddex maalmood ah. Ujeedka booqashada Kampala aya ahayd in MW Farmaajo uu shacabka indhahooda ka weeciyo heshiiska uu dalka Talyaaniga kula soo galay madaxda dalkaas oo ahayd in la hakiyo dacwada badda ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, laguna dhameeyo si hoose.
Shirkadda ENI ee ay dowladda Kenya siisay ogolaanshaha baaritaanka batroolka ee xeebaha Soomaaliya aya laga leeyahay dalka Talyaaniga. MOL aya hore idiinkugu soo tebisay ujeedka safarka MW Farmaajo ee talyaaniga iyo in uu uga sii gudbi doono Turkiga kaddibna uu tegi doono magaalada Nairobi.