Sida ku cad go’anadii ka soo baxay shirkii Amaniga ee lagu qabtay Magaalada London sanadkii 2017 iyo shirkii bishii Janaayo 2018 lagu qabtay Magaaladda Muqadishu aya waxa lagu go’aamiyay in Gudiga Amniga Qaranka oo ay u dhan yihiin dhamaaan Dowlad Goboleedyadu ay si joogta loo qabto. Qabashada kulamadaan ayaa ay muhim u tahay kuna xiran taageeradda beesha caalamka siiso Dowladda Fedaraalka.
Ilaa iyo markii ay dowlad Goboleedyadu xiriirka u jareen Dowladda Fedaraalka aya waxaa soo baxayyay culays siyaasadeed oo soo fuulay MW Farmaajo. Ururuka Midowga Yurub, US, UK iyo UN ayaa ku wargaliyay madaxweyne Farmaajoa in uu si deg-deg ah u qabto shirka Aminga Qaranka.
MW Farmaajo oo aan xiriir kala dhaxeeynin madaxda Dowlad Goboleedyadda ayaa ka baqayo in hadii uu u diro warqadda martiqaadka Madaxda Dowlad Goboleedyadda aan looga soo jawaabi doonin. Dhanka kale, maadmaa MW Farmaajo uu ku guuldareystay in uu dalka isku hayo ma doonayo in uu beesha caalamaka ka codsado in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda.
RW Kheyre oo ay ahayd mas’uuliyadiisa in uu shirkaan qabto ma laha xiriiir toos ah ama mid dadba uu la leeyahay madaxda dowlad Goboleedka. Madaxda Midowga Yurub oo dhawaan Muqadishu timid ayaa u sheegtay MW Farmaajo in Hirshabeele kaliya ayan waxba ku soo kordhineynin qabashada shirka Amniga Qaranka.
MW Farmaajo oo lagu yaqaano doqonimo iyo go’aan la’aan ayaa laga yabaa in uu iska qoro warqad martiqaad ah oo uu og yahay in aan marnaba DG ka soo jawaabi doonin taas oo dhaawac u geysan doonto sharafta xafiiska Madaxweynaha.