Mw Farmaajo oo laga cabsi qabo in uu maro dariiqyo ay ku hungoobeen Hogaamiyayaal Hore!!

Reading Time: < 1 minute

Cabdi Ileey waxa uu Ethiopia kula heshiiyay in kursiga lagu ilaaliyo, isagana dadkiisa uu ku sanduleeyo inaysan ka hor imaanin damaca gurucan ee Ethiopia ay ka leedahay guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Soomaali galbeed.
Aakhir iyagii uu dakanadii la wada ogaa u galay ayaa xabsi mugdi ah dhigay.

Maanta wadadii mid lamid ah waxaa haya Farmaajo uu Ethiopia kula heshiiyay in siyaasiyiinta Soomaalida loo sanduleeyo si kursiga uu oogu nagaado iyagana uu oogu fuliyo damaca guracan ee ay dalka ka leeyihiin.

Farmaajo haku cibra qaato Cabdi Ileey & Cabdullaahi Yuusuf oo ilaa caasimada keenay aakhir meesha ay Ethiopia kaga dhigtay.

Waxaan shaki iiga jirin siyaasi walba oo ummaddiisa Ethiopia u adeegsada in aakhir meel xun ay dhigi doonto kolka ay danteeda ka gaadho lana helo kii lagu badalan lahaa, illaahay haduu noogu simo ha sugi waayin maalmaha murugada ee Farmaajo soo mari doona. Meel ku kaydso kalmadahan yar ee kooban.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Ciidamada Ethiopia waxay u shirqooleen si lamid ah sidii ay Cabdi Ileey u shirqooleen, isaga & musharaxiintii kale ayaa wada hadal loogu yeedhay, kadib Ciidamada Ethiopia ayaa hereereyay.