MW Farmaajo oo laalay dood galabta uu qaban lahaa RW Kheyre (Sababta)

Reading Time: 2 minutes

MW Farmaajo aya ka biyo diiday in ay dhacdo dood  uu galabta ka qeyb geli lahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka dhici laheyd Hoolka Sahal, doodan aya waxaa si toos ah u soo tebin lahaa in ka badan 5 TV oo lacag lagu siiyay tebinta.

Doodan oo halkudhig looga dhigay, “Doorka Dhalinyarada ay ku yeelan karaan dib u dhiska iyo horumarka dalka” RW Kheyre oo isku diyaarinaya musharaxnimada Madaxweynaha 2021 aya lagu waday in uu ku dhawaaqo qorshahiisa horumarinta 2021 ilaa 2025.

MW Farmaajo oo ka warhelay doodan aya si caro leh u joojiyay amarna ku bixiyay in aan la qaban karin dood noocan ah xilli dalka uu ku jira qas siyaasadeed.

MW Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa sii kala fogaanaya iyadoo si tartiib tartiib ah u soo baxayso qorshaha musharaxnimo ee RW Kheyre.

Mid ma ka mid ah La taliyeyaasha RW Kheyre aya MOL u sheegay dooda dib loo dhigay, sababo ku aadan xaalado soo kordhay, sida dibad baxyada ka dhacay Muqdisho, iyo qaraxyo dad ay ku dhinteen.

MOL ayaa xogta ka heshay xafiiska MW Farmaajo in uu amar ku bixiyay in la joojiyo dooda uu ku balansanaa RW Kheyre in su’aalo lagu weydiiyo. Qarashka ku baxaya dooda aya waxaa bixiyay wasiirka amniga Abukar Islow Ducaale sida loo xaqiijiyay MOL