Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Jeneraal Thomas Waldhauser oo booqsho ku yimid Muqdisho maalinnimadii shalay ahayd ayaa la kulmay madaxda sare ee dowladda federalka Soomaaliya.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Muqdisho, taliyaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax sar sare oo ka tirsan hoggaanka difaaca dalka.
“Ciidamada Mareykanka ee Afrika, dowladda Mareykanka waxa ay caawiyaan dowladda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumar laga gaaro dhanka amniga iyo dowladnimada” ayuu yiri Jeneraal Waldhauser.
Taliyaha ayaa aad u ammaanay horumarrada la taaban karo ee ay dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska Soomaaliya.
“Wax aan ku faanayaa xiriirka wanaagsan ee aan la sameynay dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Waldauser.AFRICOM ayaa ku macneysay hadafka siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka inuu ku qotomo horumarinta deganaashe siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka hirgala Soomaaliya iyo in dalka laga badbaadiyo Argagaxisada caalamiga ah, dabar jaridda abaaraha iyo macluusha ka dhashay dagaalladii sokeeye.
Dowladda Mareykanka ayaa gacan ka geysta dhismaha ciidamada, qalabeynta iyo tababaridda ciidamada Soomaaliya iyada sidoo kale dowladda tala bixin ka siiso arrimaha gaashaandhigga.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ayaa fuliya duqeymo iyo weerarro ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo xubnaha ururka All-shabab ee ka dagaallama Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
“Wax walba oo aan Soomaaliya ka qabano waa codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya sidoo kalena howlgallada dhanka millatari waa taageero dhinaca diblumaadiyadda oo ay bixineyso wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ” ayuu yiri taliye Waldhauser.
Taliyaha ayaa sidoo kale kulan la qaatay safiirka Mareykanka ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya, Donald Yamamoto.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay horumarka dowladda federaalka ay ka gaartay dhinacyada deganaashaha, xoojinta iyo baahinta dimuqaraadiyeeynta hay’adaha dowladda iyo xaqiijinta guulo la taaaban karo