MW Farmaajo oo la kulmay RW Talyaaniga (Video)

Reading Time: < 1 minute[su_youtube url=”https://youtu.be/ZppFFkJ52Ns”]

Waxaa maanta gelinkii danbe uu MW Farmaajo la kulmay RW dalka Talyaaniga Giuseppe Conte. MW Farmaajo aya ku jooga magaalada Roma booqasho qaadan doonta seddex maalmood.

Lama oga weli ujeedka booqashada MW Farmaajo balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay MOL u xaqiijiyay in ujeedka safarka uu ku saabsan yahay sidii dowladaha Talyaaniga iyo Qatar oo wada leh shirkadda ENI ee saliidda ay si xowli ah uga shaqeynayaan sidii loo soo afjari laha khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee xuduudadda Badda.

Dowladda Kenya aya siisay ruqsadda baarista shidaalka shirkadda ENI oo 51% saamigeeda ay leeyihiin dalka Qatar. Ilo wareedyada aya sidoo kale noo sheegay in MW Farmaajo lagu wado in uu booqasho ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xiriirka labada dal oo mugdi soo kala dhex galay bilihii la soo dhaafay, aya waxa labada dowladood ay kawada hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa dacwada badda ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya