Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan albaabada u xiran yihiin oo laga qariyay saaxafadda la qaatay Maxmed M. Baasto ee garabka Cadaado ee Galmudug. Kulanka aya waxaa codsaday MQ Farmaajo isaga oo doonayay in uu ku adkeeyo MW Baasto in uu dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah hogaanka MW Axmad Ducale Xeef iyo kooxda Al Sunna Wajameeca.
Farmaajo ayaa balan qaday in uu hiil iyo hoo siin doono Madaxweynaha Garabka Cadaado. Talabada uu qaaday MW Farmaajo ayaa ujeedada laga leeyahay tahay in la dardar galiyo burburka Galmudug lana abuuri xaalad dagaal oo keeni karto dhimasho iyo burbur hor leh.
Farmaajo ayaa da’daal ugu jiro sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa dhamaan dowlad goboleedyadda dalka isaga oo u arko in ay caqabad ku yihiin xukunkiisa.