MW Farmaajo oo ku wajahana Imaaraadka iyo xiriirka Qatar & Turkiga oo mugdi soo kala dhex galay (Xog)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay “sidii ay labada dal loo wanaajin lahaa cilaaqaadka u dhexeeya,” sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay u sheegeen MOL.

MW Farmaajo aya lagu wada in uu la heshiiyo Imaaraadka isla markaana uu diyaar u yahay shuruud walba oo ay ku xiraan in u la heshiiyo. Sida aan xogta ku helnay MW Farmaajo aya diyaar u ah in uu cilaaqaadka u jaro dalalka Qatar & Turkiga, waxaana arrintan ay ka dhalatay kaddib markii saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Qatar iyo Iiraan ay booqasho ku tageen magaalada Dhuusamareeb, waxaana ilo wareedyada ay intaa ku dareen in MW Farmaajo uu ka ogaaday websiteyada Soomaalida in ay diyaarad xamuul oo laga leeyahay Qatar ay ka degtay Dhuusamareeb shir albaabada u xiran yahayna ay la yeesheen RW Kheyre.

Waxaa toddaabadyadii la soo dhaafay la isla dhex marayay in xiriirka Kheyre iyo Farmaajo uu mugdi soo kala dhex galay, waxaana Farmaajo uu garowsaday in uu Kheyre yahay musharax u taagan kursigiisa isla markaana uu ka baxay ballantii ay hore u galeen.

Farmaajo aya waxaa ku qasbayay arrinta dhexdhexaadnimada Khaliijka Fahad Yasin & Kheyre, balse hadda ay labadoodaba meel uga soo jeesteen Farmaajo.

Dagaalka labada aya si xowli ku socda iyadoo uu bilaabay MW Farmaajo in uu isticmaalo xildhibaanada isaga ku xiran iyo kuwa ay isku haybta yihiin oo wada mooshin ka dhan ah RW Kheyre.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya seddexaad  ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kuwii hore.

Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada.