Madaxweyne Farmaajo oo caawa la kulmay qaar ka mida xildhibaanada isaga taageersan ayaa si aan gabaad lahayn u eedeeyay dowladda Turkiga. Farmaajo ayaa yiri turkiga waxaa ay soo abaabuleen gadaaalna ay ka taagan yihiin Mooshinka loo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Mid ka mida xildhibaanda ayaa ka biyo diiday eedeynta uu soo jeediyay MW Farmaajo ayaga oo xasuusiyay taageerada joogtada ah ee dowlada Turkiga siiso Soomaaliya. Hadalka ka soo yeeray MW Farmaajo ayaa waxa ay sii fogeynaysaa xaaalada cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay kalsooni daro ku abuuri doontaa dowlada Turkiga oo ah dowladda kaliya ee sharafteeda iyo karaamadeeda dul dhigtay Soomaaliya.
Dhanka kale Farmaajo ayaa qaatay go’aan uu kula saftay dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda isla markaana uu ku go’doomiya dowlada Jabuuti oo ah dal ay naga dhaxeyso taariikh walaaltinimo oo soo jireen ah.