Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u muujiyay labo waji oo iska soo hojeeda

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaad”

Madaxweyne Farmaajo marnaha kama hadlo lamana tacsiyeeyo gumaadka sida Joogtada ah ee argagaxisada uga geestaan Gobolka Banaadir,

Madaxweyne  Farmaajo kama hadlin Dilkii loogeestay laba marxuum oo si arxan daro ah gurigooda ugu dhaxtoogteen ciidanka Booliska Soomaaliya,

Madaxweyne Farmaajo kama hadlin hooyadii ku dhax umushay wadada dhaxdeeda iyadoo loo diiday ineey marto wadada uu xirtay Farmaajo,

Waxaa wax laga xumaado ah in Madaxweynaha Soomaaliya uukala jeclaado dadka Soomaaliyeed asagoo xalad walbo ay ku juraan la qeybsanayaa dadka ku qabiilka ah halka dadka reer Muqdisho dhibaatada lagu haayo uu ku bixiyo dalacsiin iyo awaalmarino lacageed,

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo xigtay naceybka uu uqabo dadka kunool Gobolka Banaadir isla markaasna ay siyaasadiisu qeyb ka tahay burburinta awoodooda iyo dhaqaalahooda,

Wuxuu canshuur xad dhaaf kusoo rogay Gobolka Banaadir kaliya,  wuxuu Ciidamada ka ceeriyay inta badan qabiilaadka dagan Gobolka Banaadir,  wuxuu caburin ku hayaa siyaasiinta dhalashadoodu tahay Gobolka Banaadir,