MW Farmaajo oo Ka Walaacsan Dhameytrirka Distuurka, aansa kala Jecleyn Khater Dalka uu Wajahayo.

Reading Time: 3 minutes

Xaaladdu markey adkaato waxaa la kala bartaa dadka, dalku markuu khater galana waxaa lakala bartaa hogaamiyayaasha siyaasadda. Maanta waxaan si qayaxan u kala ba reneynaa hogaamiyayaasheenna siyaasadda ee casrigaan nala nool.

Waxaan aragnay qoraal dheer oo calaacal, caloolxumo iyo welwel badan uu ka muuqday oo uu soo qoray Madxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo. Qoraalkaas oo uu ku soo qoray bartiisa facebook ayaa waxaa ka muuqatay murugo iyo inuu aad u walaacsan yahay.

Dad badan ayaa akhriyey qoraalkaas oo aad ula yaabay waxayna is weydiiyeen waxa xanuunka intaa la’ eg ay Madaxweyne Farmajo ku beeray.

Waxaa laga yaabaa adiga laftaada inaad u sugeyso waxa ka walaaciyey Maxaweyne Farmajo oo u keenay niyad kabka iyo calool xumadaas. Haddaba waxaan soo qaadaneynaa qeyb qoraalka madaxweynaha si shacbiga indhahooda ugu arkaan walaacaas “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.”

Waa yaabe mudanow ma waxaa la joogaa goor distuur iyo siyaasad arrimo gudaha ah laga dabaaqo halkii dalkii qeyb weyn uu ruqsan rabo ninkaad sidsiday ee aad saaxibka noogu sheegi jirtay? Ma waxaad kala saari la’adahay Siinka iyo Saadka iyo in Salaaddu weligeed kala tahay sunniyo Farad?

Maantaa oo kale ayaa lankala bartaa hogaamiyaha dhabta ah iyo kan maqaarsaarka ah ee kursiga uun uu muuqdo. Maanta iyadoo dalkii oo dhan uu khatar ku jiro oo uu saaxibkaa Abiy Gedo soo geliyey Ciidan aad u hubeysan ayaad leedahay waxaan ka walaacsanahay hawlaha wax ka badalka distuurka?

Marka uu rabo Saaxibkaa Abiy inuu dhul iyo bad  aanuu lleenahay boob iyo xoog ku qaato isagoo ka faa’iideysanaya Somali kale oo dhuuni qaate iyo doorasho diid ah sida adiga waa Muuse Biixi ayaad adiguna ka hadleysaa yaan wax la badalin iwm. Wax ka badalka distuurka Barlamanka ayaa iska leh mana laguugu darnaanayo maxaadsa xukumi haddii dalka uu dagaalka uu qarka u saaran yahay uu ku soo qaado saaxibkaa Abiy Axmed oo dhabarka ku sidi jirtay.

Maanta maad u sheegtid inuu joojiyo faragelinta qaawan maadaama aad adiga geedo la tallaali jirtay,  gareyso amxaaro luu kuu guntin jiray. Mudane maanta ma joogto meeshaas ee waad mala habaawdaye maanka kaa lumay dib u raadso oo Mudanaha kaaga dambeeyey talada mahad iyo salaan usoo dir si uu uga sii badaiyo dadaalka uu dalka, dadka iyo diintaba ku badbaadinayo, Khawaarijtana uga xoreynayo.