MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya lagu waday in uu galabta ka qeyb galo ciyaar kama danbeys ah oo dhex mareysa kooxaha degmooyinka Cabdicasiis & Howl Wadaad ciyaartoos oo ah ciyaartii kama danbeyska ama finalka ee Tartanka Kubada Gacanta ee Degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaa galabta 1dii duhurnimo loo xiray dhammaan waddooyinka soo gala degmooyinka X/Weyne, Shangaani, Cabdicasiis iyo Shibis iyadoo qorshaha uu ahaa in MW Farmaajo uu ka qeyb galo ciyaar ka dhaceysa garoonka Wiish ee degmada Cabdicasiis.
Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Isboortiga aya MOL u xaqiijiyay in uu Madaxweynaha ka cudurdaartay ka qeyb galka ciyaarta arrimo amni owgeed, walow aan faahfaahinin waxa lagu sabab amniga.
Waa markii afaraad uu Madaxweynaha ka baaqdo kulan noocaan ah arrimo amni awgood.
Ciyaarta aya hadda si habsimi ah uga socota garoonka Wiish iyadoo ay soo buux dhaafiyeen taageerayaal farabadan.
Wariyahah MOL oo ku sugan garoonka ayaa soo tabinaya in ciyaarta oo xamaasad leh ay shacabka aad ula dhacsan yihiin qaab ciyaareedka labada kooxood, waxaana garoonka hadda ku sugan Wasiirka Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo duqa magaalada Muqdisho Inj Yariisow.
Waxaa goor dhaweyd garoonka ka baxay ciidanka Koofi casta ee Madaxtooyada iyo howl wadeeno garoonka uga sii hormaray Madaxweynaha.