MW Farmaajo oo dib uga laabanaayo Guddigii uu magacaabay ee wadahadalada Somaliland (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Sida aan ka soo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa lagu wadaa in MW Farmajo uu dib uga laabto guddigii uu magacaabay maalmo ka hor kaasoo lagu sheegay in ay yihiin guddiga wadahadalka Somalia & Somaliland.

Magacaabista guddigan aya dhalisay qeylo kasoo yeertay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kaddib markii uu MW Farmaajo si aan ka fiirsasho lahayn guddiga ugu wada dhigay shaqsiyaad aan qibrad iyo aqoon durugsan u lahayn wadahadalka Somalia & Somaliland, iyo qaar danbiyo hore uga galay shacabka gobolada waqooyi oo loo heysto in ay qeyb ka ahaayeen taliskii Maxamed Siyad Barre ee sida wuxushnimada ah u gumaaday shacabka gobolada Waqooyi sanadihiin 1987 ilaa 1990 markii xukunka laga tuuray kaligii taliskii Siyad Barre.

Tan iyo marii xukunka dalka la wareegay Farmaajo aya waxaa sii fogaaday xiriirkii iyo wadahadalkii Somalia & Somaliland, wuxuuna taliska Farmaajo dagaallo aanan loo aabo yeelin la galay dhammaan dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Beesha caalamka aya ku cadaadisay ka noqoshada guddiga uu magacaabay, waxaana lagu wadaa in uu soo magacaabo guddi cusub wallow aan la fileyn in uu dhawaan magacaabi doono.

Farmaajo aya lagu eedeeyay in uu maamulka Hargeysa uu ku rogay cunaqabateyn dhinac walbo leh, wallow aanay inta badan u shaqeyn. Wuxuu kala dagaalamay dhanka diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo xiriirka deeq bixiyaasha isagoo amaro adadag siiyay wasiiradiisa Arrimaha Dibadda & Qorsheynta oo labadaba kasoo jeeda Puntland oo dagaal hoose kala dhexeeyo Somaliland.