MW Farmaajo oo colaad ka dhex abaabulayo beesha Ogadeen ee degan Kenya iyo Soomaaliya (Xog Muhim ah/Sawiro)

Reading Time: 5 minutes

Waxaa maalmihii u danbeeyay ka socday dalka Kenya shirar ay soo abaabuleen ganacsato ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo ay hogaaminayaan dhowr ganacsato oo ay ku jiraan Axmed Dheere iyo Hire Jabare. Shirarkaas ayaa ujeedadoodu ahayd in  dagaal siyaasadeed lagu qaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmad Madoobe. Shirarkaan oo in mudo ah soo socday ayaa lagu guul dareeystay in ay abuuraan culayskii siyaasadeed ee la doonayay in Mudane Axmad Madoobe looga ceyriyo xukunka Jubbaland.

Madaama  lagu guul dareeystay in dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Jubbaland  laga soo abaabulo dalka Kenya ayaa waxaa labada ganacsade  Axmed Dheere iyo Hire Jabare bilaabeen qorshooyin cusub oo lagu kala jabinaayo  Beesha Ogadeen si loo abuuro jawi keeni karo in Beesha Mareexaan la wareegto xukunka Jubbaland.

Iyada oo qorshahaas  laga anbaqaadayo ayaa MW Farmaajo waxa uu maanta diyaarad qaasa u diray labo siyaasi oo ka soo jeeda deegaanka Gaarisa  ee dalka Kenya,  Gudoomiyaha Gobolka Gaarisa  Cali Bunow Qorane iyo Sanator Yusuf Xaaji  oo isagana laga soo doorto degaankaas.

MW. Farmajo oo hoygiisa maanta kula shiray Cali Bunow Qorane iyo Sanator Yusuf Xaaji

Labada siyaasi Cali Bunow Qorane iyo Sanator Yusuf Xaaji  ayaa ka soo jeeda beesha Talamuge  ee Ogadeen, labadaan siyaasi ayaa inta badan aan si toos ah saameyn ugu lahayn siyaasadda dalka Kenya iyo tan Soomaaliya xiligaan. Laakiin su’aasha isweyndiinta u baahan waxa ay tahay waa maxay  sababta MW Farmaajo uu labadaan siyaasi ugu martiqaaday Magaaalada Muqadishu?.

Sida qaar ka mida aqristaayasha MOL ay ula socdaan, siyaasadda ka jirta Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa waxa ay u dhaxeysaa labo beelood oo in mudo ah isku haystay hogaanka Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya, 1) Beesha Talamoge oo ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta ay ku jiraan Adan Barre Ducaale, Yusuf Xaaji, Cali Buunow iyo 2) Beesha Cawlyahan oo ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta ay ku jiraan, Farax Macalin, Gudoomiyii hore ee Gobolka Nathif Jama.

Doorashadii u danbeeysay ee ka dhacday dalka Kenya waxaa guusha hogaanka ku raacday beesha Talamoge, Adan Barre Ducaale waxa uu ka adkaaday Farax Macalin halka Cali Bunow Qorane uu kaga guulaysatay Nathif Jama Gudoomiyaha Gobolka Gaarisa.  Isbadalka Siyaasadeed ee ka dhacay Gaarisa ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Jubbaland. Beesha Talamoge oo ku guulaystay hogaanka Gaarisa ayaa waxa ay taageero buuxda siiyeen Madaxweyne Axmad Madoobe oo ka soo jeedo beesha Maxamed Subeer oo ah beesha ugu balaaran Ogaadeen, halka Beesha Cawlyahan oo ku soo guuldaraysatay Gobolka Gaarisa ay ka soo horjeedaan Mudane Axmad Madoobe iyada oo ujeedadoodu tahay in qof ka soo jeeda beesha Cawlyahan lagu badalo Axmad Madoobe si beeshu u yeelato awood siyaasadeed oo leh degaan ay iyadu maamusho.

MW Farmaajo iyo beesha Mareexaan ayaa dhankooda doonaya in Axmad Madoobe si xoog ah looga ceyriyo Jubbaland si beesha Mareexaan iyadu ula wareegto ama ay u magacaawdaan Jubbaland qof u adeega danaha beesha Mareexaan ee ka soo jeeda beesha Ogaadeen sidii uu Farmaajo ka sameeyay degaanka Koonfur Galbeed oo kale.

Hadaba si ay taasi ugu suuragasho  ayaa MW Farmaajo waxa uu maanta kulan albaada u xiran yihiin kula qaatay xafiiskiisa laba siyaasi oo ka socda beesha Talamoge Gudoomiye Cali Bunow Qorane iyo Senator Yusuf Xaaji. Ujeedada shirka ayaa ay ahayd in Farmaajo ku qanciyo labada siyaasi in ay ka soo horjeestaan oo ay taageeraan qorshaha lagu badalayo Axmad Madoobe. Labada Mas’uul ayaa u sheegay in ay dib ugala noqonayaa talo degaankii ay ka yimaadeen dibna ay ugu soo sheegi doonaa go’aankooda.

Gabagabadii  kulanka ayaa MW Farmaajo u sheegay labada Mas’uul “hadii xitaa loo baahdo qof ka soo jeedo beesha Talamoge ayaan u magacaabi karnaa in uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland laakiin marka hore aan ka wada shaqeyno sidii qaa’inu wadankaas  loo ceyrin lahaa”.

Dhanka kale MW Farmaajo ayaa  horay balan ugu qaaday in beesha Cawlyahan lagu wareejin doono jagada madaxweynanimada ee Jubbaland.

Beesha Cawlyahan oo shaki badan kaga jira Qorshaha Farmaajo  iyo sida lagu aamini karo Farmaajo ayaa shir  gaar ah ku yeelatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan ayaa looga hadlay qorshaha MW Farmaajo oo lagu kala jabinaayo beesha Ogadeen taas oo keeni doonto in beesha Mareexaan  si fudud ula wareegto hogaanka Jubbaland.

Beesha Cowlyahan oo ka shiray qorshaha MW Farmaajo oo lagu kala jabinaayo beesha Ogadeen taas oo keeni doonto in beesha Mareexaan  si fudud ula wareegto hogaanka Jubbaland.

Mid ka mida dadkii ka qayb-galay kulankii Beesha Cawlyahan  ee Nairobi ka dhacay  ayaa u sheegay MOL in Farax Macalin lagu eedeeyay in uu noqday Salaad Cali Jeelihii beesha Ogadeen oo idaacadaha  uun uu  ka hadlo isaga oo lacag ku badashay sharftisii iyo tii beesha Cawlyahan. Faarax Macalin ayaa la waydiiyay in uu balan qaadi karo in Cawlyahan lagu badali doono Axmad Madoobe? Nasiib xumo waa uu ka jawaabi wayay su’aasaash. Waxaa uu balan qaaday in uu markale Muqadishu ku noqonayo war cadna uu ka keenayo doono MW Farmaajo.

MW Farmaajo ayaa u muuqdo mid ku guulaystay in uu kala qaybiyo beesha Ogadeen isaga oo si gooni gooni  ah balamo been abuur ah ugu sameeyay jufooyinka ay ka kooban yihiin beesha Ogadeen. Qorshaha Farmaajo ayaa ah in si fudud uu Jubbland ugu wareejiyo beesha Mareexaan isaga oo ka faa’iideysanayo kala qaybta beesha Ogadeen.

Arimaha siyaasada Soomaaliya gaar ahaan xaaalada hada  ka jirta Jubbaland waxaa talo laga galin jirin labada siyaasi Ambassador Maxamed Afeey iyo Xildhibaan Yusuf Xassan oo hadda xubin ka ah baarlamaanka Kenya. Labadaan siyaasi ayaa ka soo jeeda beelaha Mohamed Zubeer and Maqabul lakaiin labadiiba albaada ayuu ka soo xirtay?.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah MW Farmaajo ma ku guuleysan doonaa kala qeybinta iyo isku dirka beesha Ogadeen oo si nabad ah ku wada nool.